Farmaajo oo Safarka Deg Dega ah ku tagaya dalalka Dariska

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa la filayaa in maanta uu Safarka Deg Dega ah ku tago dalalka Dariska.

Sarkaal katirsan Xafiiska Madaxweynaha, ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Farmaajo uu booqan doono Uganda, Djibouti, iyo Eithiopia, isagoo kulan la qaadan doono dalalkaasi Madaxdooda sare.

Lugta hore ee Safarka Madaxweynaha ayaa ugu ambabaxaya wadanka Uganda, wuxuuna uga sii gudbi doonaa Djibouti, kadibna Eithiopia, hadii aan jadwalka socdaalkiisa wax iska bedelin.

Ujeedka safarkan oo qaadan doono mudo 4 ama 5 maalmood, ayaa ku qotama raadinta taageero Military, ay dowladda Farmaajo ka dalbanayso dalalkan uu booqanayo, si ay u qaado duulaan kama dambays ah, oo Al Shabaab dalka oo dhan looga sifeynayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu dhawaan ku dhawaaqo Xaalad dagaal, isagoo shalay ka baaqday kulan uu la yeelan lahaa Labada aqal ee Baarlamaanka, oo arintaasi kala hadli lahaa.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo beegmaya, iyadoo xalay uu Madaxda dowlad goboleedyada ku casuumay Shir wadatashi ah, oo 28-ka bishan ka dhacaya Muqdisho, kaasi oo looga hadli doono xaaladda amni ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM