Farmaajo oo saxiixay sharciga la dagaalanka musuqmaasuqa

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu qalinka ku duugay sharciga la dagaalanka musuqmaasuqa

Hindise sharciyeedkan oo ay soo meel-mariyeen goleyaasha xeer-dejinta iyo xukuumadda ayaa xafiiska hogaamiyaha waddanka wuxuu yaalay muddo ku suntay 10-bilood.

Isaga oo ka hadlay munaasabadda saxiixa oo ka qabsoontay Madaxtooyadda, Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in xeerkan uu qabanayo cid kasta oo wax is-dabamarin sameysay.

Xeerkan ayaa xeerinaya dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa, kuwaasi oo madaxweynuhu kusoo magacaabi doono wareegto.

Xafladda oo ay warbaahinta si furan uga qeybgashay ayaa waxaa kasoo muuqday xubno ka tirsan Agaasinka Villa Soomaaliya, mas'uuliyiin iyo marti sharaf loo xushay ka qeybgalka.

Xafladda oo ay warbaahinta si furan uga qeybgashay ayaa waxaa kasoo muuqday xubno ka tirsan Agaasinka Villa Soomaaliya, mas'uuliyiin iyo marti sharaf loo xushay ka qeybgalka.

Abukaate Xasan Xuseen Xaaji, wasiirka cadaaladda xukuumadda federaalka oo wasaaradiisu soo diyaarisay sharcigan ayaa farxad ka muujiyey in uu Farmaajo saxiixo xeerkan.

La dagaalanka musuqmaasuqa ayaa kamid ahaa balanqaayadii uu sameeyay Farmaajo in uu ku jiray olalaha, wallow aanan wali muuqan in si dhab ah xididaha loogu siibay.

Farmaajo oo madasha ka hadlay ayaa qiray "in ay adag tahay" in musuqa si degdeg ah loo ciribtiro, balse wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in dowladiisu wax ka qaban doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM