Farmaajo oo xil u dhiibay Yuusuf Garaad xilli waqtiga kasii dhacayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa wareegto uu Arbacada soo saarey wuxuu wasiirkiisii hore ee arrimaha dibadda, Yuusuf Garaad Cumar, uu ugu magacaabay ergayga Isbaheysi ay Sacuuiga dhisay.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Danjire Yuusuf-Garaad Cumar in uu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha ayaa u xilsaaray Danjire Yuusuf in uu sii ambaqaado doorka dalkeennu uu ka qaadanayo qorsheyaasha wadajirka ah ee heer Gobol, kuwaas oo ku saleysan wax-wada qabsi, daris-wanaag, iskaashi iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed".

"Waa muhiim in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn doorka dalkeennu uu ku leeyahay Gobolka, arrinkaas oo sanadihii la soo dhaafay aan ka gaarnay guul weyn oo waxtar u ah xasilloonuda iyo horumarka mandiqadda.”

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Madaxweyne Farmaajo oo tilmaamay xeeldheerida diblumaasiyadeed ee Danjire Yuusuf-Garaad oo soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjirihii hore ee Qaramada Midoobey ee New York ayaa u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isaga oo kula dardaarmay in uu sii joogteeyo daacadnimadii iyo hufnaantii lagu yaqaannay inuu ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya".

Jagada loo magacaabay Yuusuf Gaaraad waxaa horey u hayey Balal Maxamed oo xukuumadda Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ka noqdey Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda.

Balal oo ay isku-heeb yihiin Farmaajo ayaa sidoo kale wuxuu kamid ahaa lataliyeyaasha sar-sarre ee madaxweynaha waqtiga uu kasii dhamaanayo.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa kamid ah maskaxda ka dambeysa Isbaheysiga Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, waxaana ujeedku yahay dalkiisa ku lug-yeesho dekadaha Soomaaliya.

Maamulka Somaliland ayaa bishii Janaayo, 2020 wuxuu kasoo horjeestay Isbaheysigaan, isagoo ku adkeystay in uusan la shaqeyn doonin "maadaama aanan laga talogelin".

Farmaajo ayaa kal hore Abiy u saxiixay heshiis u ogolaanayo in Itoobiya ku lug-yeelato arrimaha badda Soomaaliya. Sidoo kale, Gacanka Cadmeed waxaa degan dalal aan xiriir fiican lahayn Soomaaliya sidda Imaaraadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM