Fiqi: Farmaajo dawo uma qorin Galmudug ee waa cudurka isku dirka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga fal-celiyey erayadii dhowaan kasoo yeeray madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa hogaamiyaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ku tilmaamay "bukaan diiday dawadii loo qoray", isaga oo ku eedeeyay in uu kasoo horjeedo xalka "dhabta ah" ee khilaafka maamulkaasi.

Villa Soomaaliya ayaa ku eedeysan kala qaybinta hogaanka Galmudug oo haatan ku kala shaqeynaya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado, taasi oo caqabad ku noqotay horumarka dowlad goboleedkaasi.

Garabka Cadaado, xarunta baarlamaanka Galmudug, oo ay horkacayaan madaxweyne ku xigeenka iyoa afhayeenka baarlamaanka ayaa gacansaar la leh Madaxtooyada.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, arrinta ugu weyn ee la isku hayo ayaa ah xil-heynta Xaaf taasi oo xukuumada dooneyso in ay ku ekaato sanadkaan wallow uu qudhiisa gebi ahaanba kasoo horjeeda.

Mr Fiqi ayaa ku dhaliilay maamulka Farmaajo in uu dhaqaalihii ka goostay Galmudug, isla markaana lacagtaasi uu u adeegsanayo farogelinta iyo kala qoqob uu ku sameeyay madaxda maamulkaasi".

"Cunaqabeyn ayaan kusoo rogayaa, waan kala qeybinayaa, markaasi baan leeyahay maamul baan u dhisayaa, Kaniini ayaan u qorayaa, waxaasi faduul iyo edab-daro weeye," ayuu u sheegay Galmudug Tv.

Sidda uu ogaaday mareega GO, qoondada Galmudug ee sanadkii hore ku lahayd Miisaaniyada dowladda ee aysan helin ayaa waxay gaareysaa 150-kun oo dollar-ka Mareykanka ah kana timid beesha caalamka.

Fiqi oo si gaar ah u dul-istaagay hadaladii Farmaajo ee "bukaanka" ku macneeyay Xaaf ayaa ka codsaday madaxweynaha dalka "in uu cudur daar ka muujiyo, maadaama aysan u qalmin shacabka Soomaaliyeed".

"Kaniini uma qorin ee cudur ayuu Galmudug u qoray. Cudurka uu u qoray waxay tahay; cudurka kala qeybinta, cudurka kala geynta, cudurka isku dirka, cudurka cunaqabeynta iyo cudurka naceybka ayuu dadka Galmudug ka dhex abuuray. Marka nin cudur iyo vayrus sida weyaan ee ma ahan mid dawo wada. Haduu dawo sido in uu tago ayuu dhibaatada xalin lahaa, dadka isku geyaan lahaa oo uu joojin lahaa dadka uu wacayo, oo uu dhaqaalaheeda u fasixi lahaa. Qofka dawada sida kaasi ayaa lagu garanayaan, cudur buuna waday, oo uu la dhex-taagan yahay Galmudug. Marka waxaan leeyahay shacabka Galmudug ha isku teshadaan, maamulka dowlada dhexena wax ka quseeyo malahan," ayuu xusay.

Geesta kale, Xildhibaan Fiqi ayaa ku eedeeyay dowladda Farmaajo in ay kasoo horjeedo nidaamka federaalka ee uu dalku qaatay, wuxuuna ku tilmaamay "dad la yimaaday aragtida dowladii dhexe ee mayalka adkeyd".

Sikastaba ha ahaatee, khilaafka Galmudug ayaa kamid ahaa qodobadii fashilka ku keenay Shirkii Garowe xili inta uu socday kulankaasi uu guuldareystay wadahadal gaar ah oo dhexmaray Farmaajo iyo Xaaf.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM