Fiqi: Villa Somalia waxay baahi u qabtaa hogaamiye xikmad iyo xilkas ah

Image

MUQDISHO, Somalia - Axmed Macalin Fiqi oo katirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, kana mid ah mucaaradka ayaa weerar afka ah ku qaadey madaxda sare ee dowladda, gaar ahaan Farmaajo, Khayre iyo Mursal.

Xildhibaanka uga jawaabay qoraal kaftan ahaan uu Madaxweyne Farmaajo kaga hadlay mooshinkii laga keenay, ee Xildhibaanada markii dambe ka tanaasuleen kaasoo uu ka eedeeyay Kooxda qabyo inay soo abaabushay.

Farmaajo ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu soo xirayay kalfadhiga 4aad ee Gollaha Shacabka taasoo xalay lagu qabtey xarunta Villa Somalia.

Halkan ka akhri Qoraalka Axmed Macalin Fiqi:

Xalay ma tagin cashadii xildhibaanada loo sameeyey, waayo waxaa ii muuqatay in aanan xikmad badan ka soo kororsanayn hadalada dharag dhacsiga ah ee mar walba ka soo bixi kara mas’uuliyiinta aan siyaasad ahaanta u bisleyn ee dawladnimadaba u heysta faan iyo faduul.

Hadalkii madaxweyne Farmaajo uu sidii qur’aankii uga baxey ee uu ku sheegay kaftanka, ma ahayn kaftan ee wuxuu ahaa mid uu u gefey: guddoomiyaha golaha shacabka, kana been-sheegay xildhibaanadii mooshinka ka keenay, asagoo uu marmarsiyoonaya in uu caayo dawladdii xukunka uga horeysay.

Guddoomiye Mursal oo ahaa ninkiii: biyaha, korantada iyo raashinka markii laga goostey ka qaxay Madaxtooyada illaa iyo haddana ka Maqan ma aheyn in uu raalli ka noqdo in Farmaajo uu ka dhigto jaranjaro uu dad uu caayayo u sii maro, waxeyna aheyd in uu ka bixiyo jawaabta ku haboon, laakin inuu hadaladaas cantara-baqashka ah u camiro lagama fileyn!

Madaxweynuhu haddii uu geesi yahay waxey aheyd mudadii bisha ku dhoweyd ee mooshinkaasi ka yaalley ee uu ku mashquulsanaa koronto iyo biyo jarowga, albaabo qufulowga iyo ciidamo wax ku aragagixinta in uu hadlo, laakin hadaladaan ka daba-tuurka ah waa kuwo waqtigoodii dhacey.

Tan kale, haddii mudane Farmaajo uu ku eedeeyey koox qabyo la yiraahdo in ay mooshinka ka danbeeyeen, uuna inkiray in xildhibaanno boqol ku dhow ay mooshin ka keeneen, waxaan iyana u malaynayaa inuu hadalka u duur-xulayey raysulwasaare Xasan Cali Kheyre oo ahaa ninka labaad ee Qabyo ugu tunka weynaa oo meesha fadhiyey, oo asna qosolka ku kaalmeynayey markii la caayayey.

Marka madxaweynuhu hadalkiisii u ekaa mid la soo google-gareeyey, wuxuu ahaa mid gogoshii cashada dadkii isugu yimid, xildhibaanadii, guddoomiyihii iyo raysulwasaarihiiba wada jaa’ifeeyey, waxaana muuqata in mudane Farmaajo khudbooyinkiisii u danbeeyey ay ahaayeen kuwo diiraddu ka maqan tahay, dadka dhageysta oo jeclaa in hogaamiyaha dalkooda uu sidaan ka xikmad badnaanaadana waxey ku reebeen quus iyo niyad-jab, laakin waxaan hubaa in maalmuhu is-gurayaan, villa Soomaaliyana ay baahi u qabto hogaamiye xikmad iyo xilkas ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM