Galmudug oo aan ku qanacsaneyn shirka Muqdishu

Image

CADAADO: Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in qodobbadii kasoo baxay shirka wada tashiga ee magaalada Muqdisho aysan raalli ka ahayn, balse uu ahaa wax ay wateen beesha caalamka iyo Dowladda Dederaalka Somalia.

Guuleed oo dib ugu laabtay magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulkiisa, ayaa sharraxaad ka bixiyay qaabka uu u dhacay shirku inuu ahaa mid qoor qabasho ah taasoo uu sheegay in looga faa’aaiideystay kala aragti duwanaanshaha madaxdii ka qayb gashay madasha, isagoo beesha caalamkuna ka codsaday in mar kale la siiyo fursad.

Shalay ayay ahayd markii uu sidan oo kale u shaaciyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, in lagu qasbay dowladda Somalia iyo mas’uuliyiinta maamulladaba wixii laga soo saaray shirka, isagoo sheegay in gebigoodba loo yeeriyay qaraarka la gaaray,wuxuuna eedda dusha uga tuuray madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo ku kala aragti fogaaday nooca doorasho ee dalka ka dhici karta bisha Augost ee soo socota.

Dowlada Puntland ayaa gabi ahaanba diidey go'aanki dowlada Federaalka oo tageerada ka heley beesha caalamka iyada oo sheegtey in nidaamka la doortey ee 4.5 aan lagu dhsi karin dowlada Somaliyeed.

DHAGEYSO: 

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM