Galmudug oo dardargelineysa dhismaha goleyaasha degaanka

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa soo dhaweeyay doorashada Guddoonka Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo dhaweeyay doorashooyinkii Golaha deegaanka iyo Guddoonka Degmada Gaalkacyo oo maalmihii danbe si isdaba joog ah uga dhacay Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

“Reer Galkacyo waa ku mahadyihiin sida hufnaanta, daahfurnaanta iyo dimoqraadiyadda leh oo ay uga qeyb qaateen dhismaha golaha deegaanka & doorashada guddoonka degmada. Waxaan rajeynayaa in degmooyinka kale ku dayan doonan Gaalkacyo” ayuu yiri Madaxweyne Md. Qoorqoor.

Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo oo ku guuleystay doorashadii maanta oo u dhacday si xor iyo xalaal ah.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib uheshiisiinta oo suura gelisay dhismaha golaha deegaanka iyo doorashada guddoonka Galkacyo.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa wuxuu ku dhiirogeliyay wasaaradda in ay dardar-geliso dhismaha golayaasha deegaanka dhamaan degmooyinka kale ee Galmudug ee dhiman.

GO + Madaxtooyada Galmudug

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM