Golaha Shacabka oo fasax galay xili uu baaqday kulankii maanta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fadhigii maanta ay ku yeelan lahaayeen xubnaha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan, sidda uu gudoonka ku dhawaaqay.

Kulankaan oo ahaa midka 17aad ee ka tirsan Kal-fadhiga 5aad ayaa waxay mudanayaasha akhrinta koowaad ku marsiin lahaayeen Sharciga Iibka Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga.

Geesta kale, sidda ay warbaahinta maxaliga ah kasoo xigatay, gudoonka Aqalka Hoose ayaa wuxuu ku dhawaaqay in Xildhibaanada la fasaxay tobanka dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Lama shaacin xilliga ay dib ugu soo laabanayaan, inkasta oo lagu soo koobay in kulamada Wakiilada Rayidka ay dib u bilaaban doonan marka ay soo idlaato dabaaldega Ciidul Fidriga oo nagu soo foodleh.

Dhinaca kale, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Golaha Shacabka, ayaa cambaareeyay weerarkii Is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Godka Jilacow iyo taalada Daljirka Daahsoon.

Mr Mursal ayaa soo kabasho degdeg ah u rajeeyay Xildhibaan Shabeele oo kamid ah dadka ay waxyeeladu ksoo gaartay qaraxaasi oo ay mas'uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab ee gacan-saarka la leh Al-Qaacida.

"Weerarada noocaasi ah marnaba nagama hor-istaagi doonan i shaqeynta shacabka," ayaa yiri Mursal, oo raaciyey "Rayidka wax ku noqday ALLE u caafiyo, inta dhimatayna ALLE u naxariisto".

Sidda ay sheegeeen hay'addaha amaanka, waxaa dhacdadaasi ku geeriyootay in ka badan 20 ruux, oo gebigooda ay yihiin askar meesha mareysay xili ay ku jiraan tirro shacaba h.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM