Guddiga doorashooyinka Soomaaliya iyo faragelin Madaxda sare

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Guddiga madaxa-banaan ee Doorashooyinka qaranka Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yarey] ayaa sheegtay in aysan aqbali karin in faragelin lagu sameeyo shaqadooda marka ay soo dhawaato doorashadda loo madal-san yahay 2020-ka ee qof iyo cod.

Soomaaliya waxaa lagu wadaa inay ka qabsoonto markii ugu horeysay kadib burburkii dalka doorasho qof iyo cod ah, taasoo ku salaysan nidaamka Xisbiyadda badan, balse aanan waxba ka duwaneen habkii Beelaha ee 4.5, oo ay ku imaan doonan xubnaha Baarlamaanka.

Sida dhacday doorashadii lasoo dhaafay oo qorshuhu ahaa inay dhacdo mid ka duwan tii horey ujirtay oo Xilldhibaanada Odayaal ay soo xulayeen Sharci-dejiyaasha, markii ay soo dhawaatay doorashada, madaxda sarre ee dalka iyo kuwa maamulada ayaa soo farageliyay shaqada Guddiga doorashooyinka.

Madaxdii waqtigaasi jirtay ayaa go’aan ku gaarey in Xildhibaanada ay soo xulaan mar kale Odayaasha dhaqanka, iyaga oo ka dhawaajiyay inaanu dhici karin doorasho qof iyo cod ah, laakiin Gudoomiye Xaliimo yarey ayaa meesha ka saartay in sanadka 2020 aysan dhicin mar kale taasi.

“Sanadka 2020-ka bilooyinka ugu dambeeya ayuu qorshuhu yahay inaan hir-gelino doorasho qof iyo cod. Mana filayno inay nagu imaan doonto faragelin, sababtoo ah waxaan ku kalsoonahay inaan qaban doono doorashada aan usocono,” ayay u sheegay Xaliimo Yarey Idaacada VOA-da laanta Af-Soomaaliga.

Shaki badan ayaa laga muujinayaa waxa xigi doona hadii ay suurageli waydo inay dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-ka, balse, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa diiday inay bidhaamiso waxa xiga ee loo gudbi doono hadii ay dhici waydo doorashadaasi.

“Inaga shaqadeena waxay tahay inaan hir-gelino doorasho qof iyo cod ah, ee ma ahan maxaa dhacay hadii ay sidaasi dhici waydo. Balse, waxaan ku dadaalaynaa in hadii ay xitaa dhici waydo aanan inaga nala saarin eeda. Laakiin, waan dadaalaynaa,” ayey raacisay.

Xaliimo Yarey ayaa qirtay in madaxda dalka ugu sareysa ay tahay cida ay ka go'do inay dalka ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-ka, kuwaasoo tiro dhowr jeer ah ku cel-celiyay inay ka shaqayn doonan inay Shacabka Soomaaliyeed mar kale iyaga ay doortaan madaxdooda.

Hadalka Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka madaxa banaan ee Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yarey] ayaa imaanaya xili madaxda haatan jirta ay bilaabeen olalaha doorashada ee 2020-ka, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya inay ku fekerayaan muddo kororsi, taasoo aysan ka jawaabin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM