Guterres oo ka hadlay qorshaha dayn cafinta Somalia iyo xiriirka DF

Image

ADDIS ABABA - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegaya in dib-u-habeynta dhaqaale ee ay sameysay dowlada Soomaaliya ee haatan jirta ay hor-seedi karto in la xaliyo "mushkiladaha deynta".

Guterres, oo la rajaynayo inuu ka qaybgalo shir madaxeedka Midowga Afrika, kaasi oo ka qabsoomaya magaalada Addis Ababa, caasimada Itoobiya, ayaa xusay in tani uu kala hadlay hay’addaha UN-ka oo ay quseyso.

Soomaaliya ayaa lagu leeyahay balaayiin dollar, kuwaasi oo ay qaateen xukuumadihii isaga kala dambeeyay xukunka, iyada oo cafinteeda ay shuruud adag ku xireen Bankiga aduunka iyo hay’adda lacagta dunida ee IMF.

"Waxaa jira waxyaabo kale oo ay tahay in wax laga qabto kuwaasi oo horyaala dowlada, waxaana ku taageeraynaa xukuumada sidii ay ugu guuleysan lahayd inay wax ka qabato," ayuu hadalkiisa ku daray.

– Xiriirka DFS iyo Qaramada Midoobay –

Bishii Janaayo, maalintii 1aad ee sanadka cusub 2019, war kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada Somalia ayaa lagu shaaciyay inaan dalka laa rabin wakiilkii UN-ka, taasi oo mad-madow soo gelisay cilaaqaadka labada dhinac.

Balse, Antonio Guterres ayaa carabka ku adkeeyay in xiriirka Muqdisho iyo Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa uu hagaagsan yahay, isaga oo daboolka ka qaaday in dhowaan uu soo magacaabi doono Ergay cusub.

Howlgalka nabad-illaalinta AU-da ee dalka ayuu si cad daaha uga rogay inay ku garab taagan yihiin naf-hurnimadooda dib usoo celinta xasiloonida Soomaaliya iyo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, Xoghaye Antonio Guterres ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaarada Afrika uu ka dhoco isbedal balaaran oo horseedi nabad iyo barwaaqo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM