Halista amni ee ku geedaaman xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afar iyo sideediitankii [48] saac ee lasoo dhaafay waxaa degaanada Jubbaland iska soo dhiibay afar dagaalame oo ka tirsanaa maleyshiyaadka argagixisadda ah ee Al-Shabaab.

Laba kamida raggaan ayaa kamid ahaa kooxda weerar tooska ah qaada ee loo yaqaano Jugta Culus, halka labadda kale ay ahaayeen hogaamiyeyaal waaxood.

Cabduwahaab Axmed, oo ahaa madaxii dacwadka iyo tashkiilinta dhalinyaradda ee Shabaab u qaabilsanaa gobolka Gedo ayaa isku gacan-geliyay Garbahaarey.

Farxaan Cabdi Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Maxamuud oo watay laba qori oo A-K47 ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Doolow.

Sidoo kale, Farxaan Cabdikariin Jabriil, madaxii lacagaha baadka ah [Zakawaadka] oo ay Al-Shabaab ka qaado dadka isna iska dhiibay magaaladda Ceelwaaq.

Sidda laga soo xigtay illo wareedyo dhinaca sirdoonka, Jabriil ayaa meelaha uu kasoo howlgalay waxaa kamid ah degaanka Buusaar.

Wadarta guud, tiradda Al-Shabaab kasoo goosatay ee iska dhiibtay Jubbaland tan iyo bishii hore waa Sideed marka lagu daro laba sarkaal oo April soo goosatay.

Saraakiisha waxaa ku jira Aadan Cabdi Maxamed [Aadan Coobe], oo tirsanaa Golaha Shuurada iyo mid kale oo magaciisa la qariyay. Coobe ayaa kamid ahaa Al-Shabaab tan iyo aas-aaska ururka.

Coobe iyo saaxiibkii ayaa laga soo dejiyay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, iyaga oo lagu xiray xabsiga hay'adda sirdoonka ee Habar Khadiija.

Intaasi waxaa wehlisa in laba xubnood oo bishii Maarso kasoo carareen Al-Shabaab ay isku dhiibeen ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose.

Inta badan dagaalamayaasha kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida kasoo goosta waxaa la geeyaan xarun dhaqan-celin oo looga daadiyo fekerka xagjirnimadda.

Inkasta oo lagu kala aragti duwan yahay, haddana marka ay qaarkood soo dhameystaan mudadaasi waxay qaarkood ku biiraan ciidamada amaanka, halka tirro kalena ay dib ula midoobaan reerkooda.

Mas'uuliyiinta dowlada federaalka ah oo ka fal-celiyay isa soodhiibka soo badanaya ayaa ku tilmaamay "dharbaaxo kulul oo ku dhacday Al-Shabaab".

"Sababta keenaysa in ay xubno badan kasoo baxsadaan nabad-diidka waxay tahay iyaga oo u adkeysan waayay howlgalada aan kala joogsiga lahayn ee ciidanka xoogga," ayuu yiri Axmednuur Cali, sarkaal milatari.

Hasayeeshee, waxaa jira khataro dhinaca amaanka ah oo ku geedaaman xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab, sidda ay qabaan xeel-dheerayaasha.

Khuburadda ayaa dooda qiil ka dhiganaya in xubnaha ciidanka ku biira iyo kuwa magaaladda lagu sii daayo ay ka qayb qaataan falalka liddiga ku ah amniga qaranka.

Bartamihii 2018-kii, Maxamed Xasan Sandheere oo sheegtay in uu kasoo quustay Al-Shabaab isla markaana dhameystay sanadihii dhaqan-celinta, ayaa bilooyin kadib markii magaalada lagu sii daayey dib ugu laabtay kooxda.

Image result for Sarkaal kasoo goostay Al-Shabaab oo lacag la gudoonsiiyey

Mas'uuliyiinta Koonfur Galbeed oo xaqiijiyay arrinkaan ayaa intaasi raaciyay in Sandheere uu dilay laba askari oo ilaalo u ahayd, isla markaana uu horey u qaata laba qori AK-47 oo uu watay.

Intaasi waxaa wehlisa in uu horey u sii qaatay aduun dhan 15-kun oo dollar-ka Mareykanka oo lagu abaal-mariyay markii ay u soo idlaatay mudada dhaqan-celinta oo qaadatay ku dhowaad laba sano.

Dhacdo tan lamida ayaa sidoo kale sanadkii 2017-kii ka laga soo wariyay magaaladda Ceelwaaq ee ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

"Dhamaan arrimahaan waxay muujinayaan in xubnaha cadowga kasoo goosanaya aysan daacad ka ahayn, balse ay leeyihiin hadaf iyoq qorshe," ayay isku raaceen nuq-deeyeyaasha.

Sidda laga soo xigtay dadka odorasa amniga, hadafka xubnaha kasoo baxsanaya Al-Shabaab wuxuu yahay in ay helaan xogta laamaha amniga [basaasnimo], ayna ku milmaan hay'adaha nabad-gelyadda.

Weeraradii lagu beegsaday xarumaha dowladda ee su'aallaha ku foorara in ay fududeeyeen askari laba kaarle ah ayaa waxaa kamid ah; midkii wasaaraddaha amniga, Shaqada, kontaroolka Madaxtooyadda iyo dugsiga tababarka Booliska.

Xildhibaanadda dhaliilsan siyaasada amniga ee xukuumada haatan jirta ayaa aaminsan in ay tani ay caddeyn u tahay in aysan jirin qorshe cad oo xukuumadu ka leedahay "cadowga isa soo dhiibaya".

"Sidda loola macaamiliyo xubnaha isa soo dhiiba waxa ay ku cad-yihiin Sharciga la dagalaanka argagixisada, kaasi oo muddo ka badan Shan sano horyaala Golaha Shacabka, balse wali lama meel-marin," ayay ku doodayaan.

Al-Shabaab oo Muqdisho laga saarey 2009-kii ayaa wali weeraro dhimasho dhaliya ka fulisa caasimadda inkasta oo Mareykanka uu duqeymaha ka dhanka ah maleyshiyaadka duurka ku jira.

Weerarada cirka ah ee Mareykanka oo sare u kacay tan iyo markii uu xafiiska yimid Donald Trump ayaa sababtay in xubnaha Shabaabka ay soo miciin bidaan magaalooyinka, taasi oo keentay in ay kordhiyaan weeraradooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyay raashiinka uu siin jiray ciidamada Danab

Go'aankan ayaa waxa uu ka dhashay markii madax sarre ay leexsadeen garaamkii loogu talagalay kumaandooska.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:26AM

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM