Xafiisyada Farmaajo iyo Khayre "oo lagu helay maamul xumo iyo musuq"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hanti dhowraha guud ee Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah wuxuu soo bandhigay warbixin tooshka ku ifisay in qaar kamid ah hay'addaha dowladda uu ka jiro wax is-dabamarin baahsan.

Warbixinta oo ku saleysan baaritaan uu sameeyay Maxamed Cali Afgooye ayaa diiradda lagu saarey Maaliyadda dowladda ee 2018-kii, maaliyadda hay’addaha ammaanka iyo maaliyada kuwa aan ammaanka qaabilsaneyn.

Natiijadda baaritaanka ayaa waxaa ugu muhiimsan in hay’addo qaarkood ay hareer-mareen sharciga, u hogaan-sano la’aanta shuruucda iibka iyo maamulka maaliyadda; hubin la’aanta iyo maamul xumo dakhliga gudaha ah.

Baaritaanka ayaa, sida lagu sheegay warbixinta, waxaa lagu ogaaday in aduun lacageed gaaraya 1.3 milyan oo kamid ah dakhliga sanadkii 2018-kii aanan lasoo gudbin laguna isticmaalay "halkii ay marka hore ka timid".

Taliska Booliska, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista, iyo Jamaacadda Ummadda Soomaaliyeed ayay warbixintu carabowday kuna tilmaamtay in ay yihiin "dambiileyaasha" ku lug-yeeshay dhamaan arrimahaas.

"Waxaan ku rajo weynahay in warbixinteyda ay sare u qaadi doonto isla xisaabtanka iyo hufnaanta isticmaalka maaliyadda Dowladda, si sare loogu qaado howsha loo haayo ummadda Soomaaliyeed," ayuu yiri Afgooye.

Inta la og-yahay taariikhda casriga ah ee Soomaaliya, waa markii ugu horeysay in warbixin noocaan oo kale ah uu soo saaro Hantidhowraha loona gudbiyo Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah.

Soomaaliya ayaa safka hore waxay kaga jirtaa liiska wadamada ugu musuqmaasuqa badan, wallow ay xukuumadihii talada isaga kala dambeeyay ay wacad ku mareen in ay dagaal adag la geli doonan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhowaan qalinka ku duugay Sharciga Dhismaha Guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa, kaasi oo ciqaab adag marsiinaya mas'uulkii wax is-dabamarin lagu helo.

– Wasaaradda Gaashaandhiga –

Warbixinta ayaa aad farta ugu fiiqday Wasaaradda Difaaca. Sida laga soo xigtay baaritaanka u hogaan-samida shuruucda, Wasaaradda ayaa nan u gudbin Hantidhowrka koontooyinka xisaabaadka maaliyadda ee 2018-kii.

Hantidhowrka ayaa diiwaan-geliyay maamul xumo maaliyadeed oo ay ku jirto in aysan jirin dukumiintiyo cad-cad oo caddeynaya in la bixiyey mushaharka iyo lacag la bixid sharci darro ah.

– Booliska –

Bil walba askari ka tirsan booliska waxa laga jaraa mushaharka uu qaato aduun dhan lix Doollarka Mareykanka ah. Lacagtaas waxaa la siiyaa agoonta, saraakiishii hore iyo askarta cusub ee ciidanka loo qoray.

Lacago dheeraad ah oo gaareysa $53,613 [Konton kun lix boqol saddex iyo tobban kun oo Doollar-ka Mareykanka] ayaa la helay. Balse ma jiraan dukumiintiyo ku filan oo caddeynaya in ay gaartay cidii loogu talogalay.

– CID –

Sanadkii 2018-kii waxay hay'adda dambi baarista uruuisay aduun lacageed gaaraya $577,014.00 oo Doollar-ka Mareykanka ah.

Dakhliga ayaa la sheegayaa in la isticmaalay iyadda oo aanan loo gudbin Wasaaradda Maaliyadda. Hantidhowrka ayaa sheegay in lacagta soo xaroortay aysan jirin wax lagula xisaabtamay.

Waaxyaha kale

Xafiiska madaxweynaha ayaa qudhiisa la sheegay in uusan soo gudin warbixin la xiriirta koontooyinka maaliyadda 2018-kii. Intaas waxaa wehlisa in uusan jirin qeybta hantidhowrka ee Aqalka dalka looga arrimiyo.

Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ayaa la sheegay in uu lamid yahay. Waxaa u dheer in uu galay tobban heshiisyo oo aanan loosoo gudbin Hantidhowrka guud.

Dhaqaalaha oo aanan hanaanka isla xisaabtanka la marsiin ayaa ku baxday caafimaad, dib u dayactir, kirro iyo socdaal. Dukumiintiyadooda ayaa nan loosoo bandhigay Hantidhowrka.

Wadar ahaan lacagta heshiisyadda ku baxeysa ayaa gaareysa 1,070, 735.03, sidda uu ka dhawaajiyey Hantidhowrka guud ee waddanka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Intaas waxaa wehlisa in warbixinta ay farta ku fiiqaysa dhamaan Wasaaraaha xukuumadda federaalka iyo xafiiska ra'iisul wasaaraha aysan soo gudbin warbixinta Maaliyadda ee 2018-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM