Haysom: Siyaasadda hadda ka jirta Somalia waa mid horseedi karta colaad [Warbixin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom, oo dhawaan lagu amray in uu ka baxo Muqdisho, ayaa sheegay Khamiistii maanta in xiisadda siyaasadeed ee xilligan ka jirta Soomaaliya ay u horseedi karto dalka inuu dib ugu laabto colaadii uu kasoo gudbay.

Isagoo Gollaha Amaanka siinayay warbixin ku aadan xaaladda Soomaaliya, Haysom ayaa xusay in markii uu Muqdisho yimid 3-dii October 2013 ay si diiran u soo dhaweeyeen madaxda DF iyo maamullada.

Wuxuu bogaadiyay qorshaha dib-u-habeynta fog ee Xukuumadda Federaalka ah iyo sida ay uga go'an tahay fulintiisa, iyada oo loo marayo qorshe-hawleedka loogu talagalay qayb kasta.

Haysom ayaa warbixintiisa ku sheegay in Soomaaliya ay ka jirto ifafaalle wanaagsan, balse uu walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Villa Somalia iyo maamullada oo dalka ka leexin kara wadada u hadda ku socdo.

Isagoo ka hadalkiisa sii wata, Ergayga UN-ka ee la eryay ayaa ku amaaney Xukuumadda Soomaaliya kobcinta dakhliga gudaha, iyadoo miisaaniyadda 2019 ooo ah $340 milyan ay 56% tahay canshuuraha gudaha, waxaana inta hartay yihiin deeqo dhaqaale oo deeq-bixiyeyaasha siin doonaan dowladda.

"Waxaan doonayaa inaan ku amaano xafiiska Ra'iisul Wasaaraha sida uu hormuudka ugu noqday degaallada Xukuumadda ee wax looga qabanayo Musuq-maasuqa," ayuu yiri Haysom.

Ergayga ayaa tilmaamay inay jiraan arrimo muhiim ah oo u baahan in lagu wajaho siyaasad loo dhan yahay, kuwaasoo ay kamid yihiin dib u eegida dastuurka, Federaaleynta iyo dib u heshiisiinta.

Haysom ayaa daboolka ka qaadey in Sharciga qabyadda ah ee doorashooyinka loo gudbiyay Gollaha Wasiiradda Somalia iyo wax ka bedelidda nidaamka xisbiyadda siyaasadda kuwaasoo loo gudbiyay bulshada rayid iyo beesha caalamka.

Laakiin, Wakiilka QM ayaa carabka ku dhuftay Haysom in aan wali Baarlamaanka loo gudbin xeerka doorashooyinka, iyadoo dib u dhacaasina yahay fursad muhiim ah oo laga lumiyay Soomaaliya, marka la eego balan-qaadkii dowladda Federaalka ee ahaa in dalka uu yeesho December 2018 sharci doorasho, oo gollaha sharci dejinta soo ansixiyay.

"Tani [dib u dhaca ansixinta sharciga doorashooyinka] waxaa suurta-gal ah inay saameyn ku yeelato waqtiga doorashada ay dhici lahayd," ayuu yiri Nickolas Haysom, Ergeyga Qaramada Midoobey.

Gudiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay inay shaqadiisu tahay mid gaabis ah, oo dib u dhac u keeni karta doorashada, iyadoo illaa hadda qaban waxyaabihii laga filayay sanadkii 2018.

Illaa hadda waxuu guddiga diiwaangelin u sameeyay 35 xisbi siyaasadeed oo qaarkooda shaqsiyaad ay furteen, kuwaasoo aan si fiican u buuxin sharuudihii xisbinimo, oo aan gobollada dalka ku lahayn xafiisyo iyo xubno ku matela.

Khilaafka siyaasadeed -

Iyadoo uu jiro horumar wanaagsan, hadana Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dawladaha xubinaha ka ah ayaa sii wiiqaya horumarka laga sameeyay federaalka, dhismaha hay'adaha dawladda, iyo hirgelinta Qorshaha Nabadgelyada Qaranka.

Go'aankii ay 8-da Sebtembar 2018 ay Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ku joojiyeen wadashaqeyntii dowladda dhexe, ayuu sheegay Haysom inuu niyad-jebiyay beesha caalamka.

Kadib booqashooyinkii gobollada, Haysom ayaa tilmaamay inuu jira dedaallo dad Soomaali ah hormuud u yihiin, oo lagu xalinayo Khilaafka dhinacyada, iyadoo Madaxweyne Farmaajo ku baaqey October 2018 mudo labo jeer ah kulan lagu dhameynayo is-mariwaagga.

Ra'iisul Wasaaraha Khayre ayaa sidoo kale magacaabey Guddi heer wasiirro ah oo lix xubnood ah si uu ula shaqeeyo Aqalka Sare oo ku howlan inuu heshiis dhex dhigo Villa Somalia iyo maamullada dalka.

Si kastaba ha noqotee, khilaafka ayaa kasii daray markii qaar kamid ah maamul goboleedyada ay galeen marxalad doorashooyin, gaar ahaan Koonfur Galbeed, oo kasoo gudubtay iyo Puntland oo ku guda jirta.

Wuxuu sheegay Haysom inay markhaati ka noqdeen geeddi-socodka doorashooyinka ee Koonfur Galbeed, ee faragalinta ay ku sameysay xukuumadda federaalka iyo rabshadihii ka dhashay ka dib markii la soo xiray mid ka mid ah musharaxiinta, Mukhtaar Roobow bisii lasoo dhaafay maalmo kahor doorashada.

Xariga Roobow ayuu tilmaamay in laga yaabo inuu saameyn ku yeesho suurtagalnimada mustaqbalka in xubnoo sare oo katirsan Al Shabaab usoo goostaan dhanka dowladda, maadaama kuwii hore looga baxay balamada.

Waxaa wax laga xumaado ku tilmaamay Wakiilka Qaramada Midoobey dilkii sharciga ka baxsanaa ee ciidamada amaanka dowladda ugu geysteen Baydhabo iyo xariga 300 oo qof, oo caruur u badan kuwaasoo xabsiga lagu hayo wax badan mudo 48 saacadood.

Haysom ayaa dowladda Federaalka ugu baaqey inay si aan faragelin ku jirin u maareyso doorashooyinka maamul goboleedyada, islamarkaana soo dejdejiso hanaanka dib u eegida dastuurka, si loo gaaro himilooyinka Soomaaliya hiigsanayso 2020-ka.

Wakiilka Qaramada Midoobey ayaanan kusoo darin warbixinta uu siiyay Gollaha Amaanka go'aankii Xukuumadda Soomaaliya Todobaadkan isaga dalka uga ceyrisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo ballaaran kala saxiixdey

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:19AM

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM