Hiiraan: Al Shabaab oo isaga baxday deegaanka Halgan

Image

BALADWEYNE, Somalia- Mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab ayaa isaga baxay deegaanka Halgan oo katirsan gobolka Hiiraan, halkaasoo lagusoo waramayo inay ku wajahanyihiin ciidamo huwan ah oo katirsan dowladda Somalia iyo Ethoipia.

Sida ay GO u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah kooxdan ayaa u ruqaansatay duleedka deegaankaas, waloow ay jiraan kooxo ku harsan Halgan.

Saraakiil katirsan dowladda Somalia ayaa ku waramay inay kusii jeedaan ciidamadoodu deegaankaas oo ay faarujiyeen sannadkii hore.

Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba dagaal halkaas ku dhexmaray ciidamada huwanta ah iyo mallayshiyada Al Shabaab.

Waxay sidoo kale ka cabsi qabaan in kooxdaas ku amarto shacabka inay ka baxaan deegaanka maadama ay kusoo wajahanyihiin ciidamo katirsan dowladaha ay dagaalka kula jiraan.

Tallaabadan ayaa dhowr jeer oo hore ku kaceen ururkan xiriirka la leh Al Qaacida.

Majirto ilaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dhinacyada arrimahaasi khuseeyaan oo ku aadan xaaladda deegaanka Halgaln oo iminka degan.

Halkan ayaa ah goob Istaraatiji ah oo isku xirka degmooyinka Beledweyne iyo Buula-burte iyadoo ay u ganacsi tagaan dadka ku nool gobolka.

Bishii June, 2016 ayaa waxaa deegaankaasi ka dhacay dagaal lagu hoobtay oo dhexmaray ciidamada dowladda Ethoipia iyo ururka Al Shabaab, waxaana ku dhintay in kabadan 200 oo u badnaa xarakadaas kadib markii ay weerareen saldhig ciidamadaasi lahaayeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM