Howlagalo amniga lagu sugayo oo ka socda magaalada Kismayo

Image

Arbaco, Nov 12, 2014 [ GO]- Ciidamada ammaanka maamulka Jubbaland ayaa maanta iyo caawa ka waday magaalada Kismaayo  howlgalo amniga lagu sugayo ayagoo baarayay gaadiidka wadada marayay iyo dadka la socda.

Dad ku dhow 70 qof ayey ciidamada ammaanka soo qabteen kuwaas oo loo dhaadhacshay xabsiyada ciidamada nabad sugida ay ku leeyihiin magalada Kismaayo.

Saraakisha ammanka magalada Kismayo ayaa sheegay in dadka ay xireen lala xiririnayo tuhun ah in falalka ammaanka lidiga ku ah ku lug leeyihiin.

Dhinaca kale ururka Al-shabaab ayaa degaanka Kudhaa weerar kadis ah uu ku qaadey maalmihii la soo dhaafey ku laayey ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland iyadoo dhinaca kale weeraro qaraxyo ka fuliyey goobo ka tirsan magaalada Kismayo. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM