Iib-geynta shidaalka ee DF oo lala xiriiriyey ololaha doorashada 2020-21

Image

GAROWE, Puntland – Hogaanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in iib-geynta todobada xirmo shidaal ee laga helay waddanka ay doonayaan in lacagta kasoo baxda ay u isticmaalaan ololaha doorashooyinka soo aadan.

Ciise Maxamuud Dhollowaa, oo ahaa agaasimaha guud ee Hay'adda Macdanta iyo Shidaalka maamulka Puntland intii u dhaxeysay 2009-17, ayaa eedeyntaas u jeediyey madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre.

Mr Dhollowaa ayaa hadaladaas ku sheegay wareysi uu siiyey Telefishinka Goobjoog ee fadhigiisu yahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Todobadaas xirmo oo la faahfuray tartankooda isla markaana uu ku eg-yahay sanadka 2021 ayaa laga kala helay degaano ka tirsan maamul goboleedyada Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle.

Puntland ayaanan kamid ahayn degaanadaas sababtoo ah waxay mar sii horeysay uga hor-timid hanaanka loo maareynayo, heshiis mideysan oo aan laga gaarin wadaaga kheyraadka iyo waqtiga oo munaasab ahayn.

Aqoonyahan Dhollowaa ayaa difaacay dooda Puntland, isagoo tilmaamay in qodobadan ay muhiim yihiin kahor inta aan shidaal loosoo saarin dal, arrintaas hadii la waayana ay ka dhalan karto khilaaf siyaasadeed.

Xilli uu xusay in ay baahi noocaas ay ka jirto, dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay meesha ka saartay dadkii aqoonta u lahaa maamulka shaqadan "ayna hadda ku kooban tahay Khayre iyo wasiirka Batroolka".

"Farmaajo iyo Khayre bay aniga ila tahay in ay arrintaan ka leeyihiin dan ku shuqul leh doorashadda soo socota. Shirkado ayay heshiis kula yihiin, shirkadahaas ayaa wax bixinaya, midaas bey rabaa in ay ku qaataan," ayuu yiri, isagoo doodiisa waqtiga aan munaasabka ahayn iib-geynta shidaalka ku xoojiyey hoos u dhaca ku yimid qiimaha saliida ee uu sababay cudurka Covid-19.

Si dhaayaha isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta u qabtaan, madaxda ayuu cod dheer ugu baaqay in ay soo bandhigaan tafaasiisha heshiiska qeexaya saamiga shirkadaha soo saaraya shidaalka iyo dowladda.

Sababaha kale ee Puntland u qoonsatay dedaalada soo saaritaanka shidaalka waxaa kamid ah Sharciga Batroolka oo "si juujuub ah lagu ansixiyey xilli ay ku jiraan qodobo halis ah," waxayna shirkadaha uga digtay Xeerkaas.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa "iska indhatiray baaqyo dhowr ah oo loo jeediyey kuwaas oo ku saabsan in uu dib u dhigo saxiixa Sharcigaas".

"Maadaama aysan jirin wax heshiis lagu wada yahay, walaalahey Farmaajo iyo Khayre ma waxay ka shaqeynayaan dan Soomaaliyeed mise dan ay iyagu leeyihiin? aniga waxaa ii muuqata in ay wataan danta ay iyagu leeyihiin sababtoo ah Soomaali waxa aysan heshiis ku ahayn baan wadayaa, macquul ma ahan," ayuu raaciyey, isagoo "xaraash" ku sifeeyay habka loo iib-geynayo shidaalka.

Xukuumadda dhexe ayuu carabka ku dhuftay in ay haatan adeegsaneyso heshiis ay ka baxeen maamuladda qaarkood oo lagu saxiixay Baydhabo, kaas oo xeerinayay habka loo wadaagayo kheyraadka wadanka.

Iyaddoo ay su'aal ka taagan tahay qaabka loogu noqdey heshiiska oo Puntland iyo Jubbaland ay si cad uga hor-yimaadeen, wuxuu qeexayaa in dowladdu yeelaneyso %50, dowlad goboleedyadduna %45, inta kelana shirkadaha.

Guddiga Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ayaa "qorshe xumo" ku tilmaamay qaabka ay haatan wax u socdaan isla markaana lagu beecgeynayo shidaalka dalka "waqtigii ugu xumaa ee suuqyadda caalamka".

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaanan wali lagu heshiin habka lagu galayo, waxaana dowladda Farmaajo looga digay isku day kasta oo ay muddo kororsi ku sameysato taas oo la sheegay in ay dhibaato keeneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM