Injineer caan ah oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho [Faahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha qaraxa gaari oo xalay fiidkii ka dhacay magaaladda Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay hal ruux oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Kaariye ayaa ku dhintay qaraxa oo ahaa mid lagu dhejiyay kursiga laga kaxeeya Gaariga.

Gaariga ayaa ku qarxay xili uu marayay Isgoyska KM-4 [Lambar Afar].

Allah ha u naxariistee Maxamed ayaa ahaa Injineer wax kusoo bartay dalka Pakistan, waxaana uu kamid ahaa dhalinyarada caasimadda ugu fir-fircoon, ee aadka loo yaqaano.

Dhaawac culus ayaa kasoo gaarey qaraxa oo dab xooggan qabadsiiyay Gaarigiisa, waxaana saacado kadib uu ku geeriyoodey Isbitaal ku yaalla Muqdisho, sida ay qaar kamid ah Saaxiibadiisa u xaqiijiyeen Garowe Online.

Lama oga sababta loo beegsaday Injineerka iyo cida ka dambeysa dilkiisa, balse Kooxda Al-Shabaab ayaa caan ku ah dilalka loo adeegsado qaraxyada lagu dhejio baabuurta ay wataan dadka u shaqeeya dowladda, hay'adaha iyo dadka kale ee muhiimka ah.

Qaraxa ayaa noqonaya midkii labaad oo noociisa ah oo isla wadada KM-4, iyadoo kii midkan ka horeeyay lagu dhaawacay sarkaal katirsan Hay'adda Dembi Baarita Soomaaliya ee CID-da.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay fashil dhanka amniga ah, iyadoo ay sugu la'adahay amaanka Muqdisho, oo ay ka dhacayaan qaraxyo iyo dilal shacab badan ay ku dhimanayaan.

Qaraxyada baabuurta loo adeegsado ayaa ka dhacaya derbiga Madaxtooyadda iyo meelaha sida aadka amnigooda loo adkeeyay, ee ay degan yihiin madaxda sare ee dowladda Federaalka, iyadoo wadooyinka ay ciidamado ku sugan yihiin.

Khubaradda amniga ayaa aaminsan in iyadoo aan Al-Shabaab looga adkaan, islamarkaana laga sifeyn gobollada deriska la ah Muqdisho [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe], aan la xasilin karin caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM