Jabuuti oo karaarsiisay olale ay ku wada hadalsiineyso DF iyo Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Jabuuti ayaa karaar-siisay xusul-duubka ay ugu jirto in ay martigeliso wada hadaladda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, siday ku waramayan illo wareedyo diblumaasiyadeed.

Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha wadankaasi, ayaa hogaamiyeyaasha labadda dhinac wuxuu hordhigay rabitaanka dowladiisa ee ay noqdaan madasha lagu qabanayo wada xaajoodyada xasaanada culus leh.

Bishii hore ee August, Farmaajo oo tegay Jabuuti ayna kawada hadleen suurtogalnimadda ayaa illo xog-ogaal ahi sheegayaan in uu soo dhaweeyay arrintaasi, wallow aanu ahayn go’aan kama dambeys ah.

Talaadada maanta ah, 3-da September 2019, Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Somaliland, ayaa u dhoofay Jabuuti kadib marti qaad uu ka helay Geelle, oo doonaya in uu "ka dhaadhiciyo" in uu u kala dab-qaado labada daraf.

Warbixinadda ayaa intaasi raacinaya in Farmaajo iyo Biixi ay si rasmi ah u ogolaadeen in ay wada hadlaan, balse dooda ugu culus ay ka taagan tahay dalka lagu kulmayo iyo ajendeyaasha labada hadli doono.

Isniintii 2-da September, madaxtooyadda maamulka Hargeysa oo faafisay shan shuruud oo ay miiska wada hadalka kusoo xaadiri karaan ayaa waxaa ku jirtay "madal dhexdhexaad ah iyo ajendeyaal cad-cad".

Wada hadaladda oo hakad ku jira tan iyo sanadkii 2011-kii ayaa markii ugu dambeysay waxaa lagu qabtay Turkiga, iyadda oo uu kasii horeeyay Imaaraadka, midkoodna kama soo bixin natiijo wax ku ool ah.

Qadiyadda loo maara la'yahay ee keentay in ay dhicisoobaan wada xaajoodyadaasi ayaa waxaa qayb ka ah gooni u goosaadka ay mas’uuliyiinta Somaliland sheegtaan taasi oo aysan aqoonsi u helin.

Dad aad ula socday kulamadaasi ayaa tibaaxay in kaliya ay isla soo qaadeen wakiilada arrimo quseeya bini'aadanimada iyo maamulka hawada, oo ay haatan xurguf ka taagan tahay.

Cabdiraxmaan Faroole, madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa dhowaan soo jeediyay in la helo khuburo aad u darasta ajendeyaasha iyo in laga fogaado fashil mar kale ku yilmaada wada hadalka.

Dowladda Puntland oo xuduud la leh Somaliland uuna kala dhaxeeyo muran gobolada Sool iyo Sanaag ah ayaa horey u codsatay in laga qeybgeliyo wada hadaladda.

Su'aallo ayaa la iska waydiinayaa waxa kasoo bixi kara hadii ay Jabuuti uu hirgalo codsigeeda, wallow ay loolan kala kulmeyso Itoobiya, Turkiga, Sweden iyo dalal kale oo dhankooda isha ku hayo martigelinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM