Jarmalka oo lacag ugu deeqay doorashadda Soomaaliya ee 2021

Image

BARLIN, Germany – Jarmalka ayaa aduun lacageed dhan 5.75 milyan oo Doollar-ka Mareykanka ugu deeqay doorashadda soo aadan ee Soomaaliya.

Lacagtan ayaa waxaa loogu talogalay in lagu hirgeliyo laguna fududeeyo coddeynta oo la rajeynayo in ay noqoto mid qof iyo cod ah.

Xafiiska Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya iyo hay'adda UNDP ayaa maamulaya lacagtan oo u qoondeynaya Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Waajibaadka ugu weyn ee guddiga horyaala ah ayaa waxay tahay qabashadda coddeyntaas, oo noqon doonto markii koowaad muddo kadib.

Deeqdan ayaa la rumeysan yahay in ay kamid ah qaaraan-uruurin loo sameynayo qabsoomida doorashadda oo loo balansan yahay sanadka 2020-21.

Yaboohan ayaa imaanaya xili warbixin dhowaan kasoo baxday Hantidhowrka lagu sheegay in la la'yahay 18 milyan oo kamid ah deeqda 2018-kii ee dibadda.

- Caqabado -

Shaacintan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa maalmo kadib markii Guddiga Doorashooyinka soo bandhigay caqabado kala duwan oo ay wajahayaan.

Caqabadaha oo Xaliima Yarey, gudoomiyaha guddiga baahisay, ayaa waxaa kamid ah in aysan haysan xafiis gaar ah oo ay ku shaqeeyaan.

Xaruntooda ayaa haatan ku yaala Madaxtooyadda Qaranka, taas oo meesha ka saartay suurtogalnimada in ay qaabilaan cid walba oo u baahato.

Sidda laga soo xigtay Xaliimo, dhowr jeer waxaa dhacday in xubno kamid ah Xisbiyada dalka loo diiday in ay kula kulmaan xafiiskooda.

- Digniino -

Iyadda oo dowladdu ku adkeysaneyso in ay ka go’an tahay qabashada doorashadda, xisiyadda ayaa ka digay muddo kororsi iyo wax is-dabamarin.

Intaas waxaa wehlisa in qaar kamid ah xisbiyadda ayaa aaminsan in aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah loona baahan yahay in laga heshiiyo kahor.

Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland, ayaa cod dheer ku qeexay in hadii qof iyo cod dhici waydo ay jiro "waddo kale oo furan".

Caqabadaha kale ee ku xeeran doorashadda waxaa kamid ah sharciga doorashooyinka oo haatan la diyaarinayo, wallow aysan u dhameyn maamuladda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM