Jawaari: Khayre wuxuu yiri 'Sheydaan baa na kala dhex-galay aan is-cafino'

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenkii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa markii ugu horeysay wuxuu soo bandhigay nuqul kamid ah xogta kulankii uu la qaatay Xasan Cali Khayre kadib is-casilaadiisa.

Is-araggaas oo qabsoomay bishii April, 2018 ayaa ka dambeeyay kadib dagaal siyaasadeed oo ku dhowaad bil socday isla markaana la sheegay in uu ka dhashay kala aragti-duwanaan iyo mooshino uu qabtay Borofeesarka.

Fahfaahinta uu dibada u soo saarey Jawaari ayaa ka dambeysay markii ra'iisul wasaarihii 19aad ee Soomaaliya, Khayre oo 25-kii July, 2020 uu eryay Aqaka Hoose uu bishaan September 15-keeda uu la shiray mudanaha.

Kulankaas ka dhacay hoyga uu ka degan yahay Muqdisho oo sababay hadal-heyn badan iyo rog-rogitaan kala duwan oo siyaasadeed ayaa yimid maalmo kadib markii Khayre uu iclamaiyey in uu yahay murashax madaxweyne.

Si uu u soo afjaro doodaas baraha bulshadda qabsatay, Jawaari oo u waramay telefishinka maxaliga ah ee Dalsan ayaa meesha ka saarey in wadahadalkooda uu daarnaa in ay ku shiraakoobaan siyaasada mar-xalada kala guurka.

Jawaari ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in kulankan u dambeeyay uu ku saabsanaa raaligelin uu Khayre ka siiyey kaalintii uu ku lahaa dagaalka siyaasadeed oo uu la galay dowladda uu haatan waqtiga ka dhacayo.

Taas bedelkeeda, sharci-dejiyaha ayaa caddeeyay in is-aragoodii Apirl, 2018 uu Khayre si furan uga codsaday cafis, isagoo cuskaday "in uu sheydaan kala dhex-galay".

"Laba berri kadib markii aan istiqaalada dhiibay guriga ayuu iigu yimid noo ducey igu yiri; waan duceysanay sheydaan baa na kala dhex-galay aan is-cafino [buu yiri], markaaas bay ahayd April bay ahayd [raaligelinta] marka dadka waxay fiirinayaan odayga Jawaari ayaa soo salaamay; waxay sheegayaan in aan aniga meesha tagay, in uu isaga ii yimid ma sheegayaan; haddana waxay sheegayaan balaa-balaa," ayuu yiri, isagoo ka gaabsaday shaacinta doorka Khayre ee ridistiisa.

Khayre oo tan iyo markii uu shaaciyey murashaxnimadiisa wadda kulamo ayaa u muuqda mid raadinaya kasoo dhex-muuqashada wararka iyo hadalheyn.

Siyaasiyiinta qaar ee Soomaalida oo dantooda ku gooya go'aanada ayaa badankooda ka hoos-mara fulinta oraahda caanka ah ee "marka aad xil-qabato waxay dadka tusineysaa qofka aad tahay, balse ma bedeleyso shaqsiyadaada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM