Jubaland maxay kala kulantey shirkii madaxda Soomaalida loogu qabtey Brussels?

Image

Axmed Madoobe oo u duuley Brussels xilli khilaaf u dhaxeeyo DFS

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta u duulay dalka Belgium halkaasi oo maalinta berri ah ka furmi doono shirka arrimaha Soomaaliya ee Brussels.

Wafdiga Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Gollahiisa wasiiradda ayaa waxay ku biiri donaan hogaamiyaasha kale ee maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka oo qaarkood xalay gaarey magaalada Brussels.

Shirka "Somalia Partnership Forum" ayaa looga hadli doonaa Qorshaha Amniga Qaranka, Bixitaanka ciidamadda AMISOM 2020, dhaqaalaha iyo qodobo kale oo waa wayn.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hogaamiye-yaasha Galmudug iyo HirShabeelle, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka,Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnno kale oo heer sare ayaa xalay gaaray Belgium.

Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas], Madaxweynaha Puntland iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa dhankooda shalay kasoo baxay Garoowe, iyagoo ku wajahan magaalada Brussels.

Shirkaan oo loo balansan yahay inuu furmo 16-17 bishaan July ayaa waxaa la filayaa in gaba gabadda laga soo saaro War-murtiyeed ay ku cad-yihiin waxybaaha ay isla meel-dhigeen dhinacyadda ka qeybgalaya.

Safarka Axmed Madoobe ugu amba-baxay dalka Belgium ayaa kusoo beegmayaa iyadoo xiisaddi ka dhalatay Taliye ay dowladda usoo magacowday Taliska ciidamadda xooga dalka Jubbaland loo diiday inuu ka dego Kismaaayo.


Gaas oo garoonka diyaardaha Brussels kaga tagey Axmad Madoobe [ Sabab]

BRUSSELS: Waxaa galabta kasoo dagay garoonka diyaardaha magaalo madaxda wadanka Belgium ee Brussels labo wafdi oo ay kala hogaaminayeen Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland kuwasoo sida warsidaha Garowe Online ogaadey lagu kala reebey gudaha garoonka.

Wafdiga Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa waxaa qaban-qaabiyaasha shirkaan oo ay hageyso safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Belgium u leexiyeen qaybta VIP halka Madaxweyne Axmad Madoobe iyo xubnihii la socdey ay kasoo muuqdeen iridka rakaabka caadiga ah kasoo baxaan halkaasoo uu kula kulmey shacabkii iyo qaar ka tirsan madaxda maamulkaas oo ku sugayey halkaas.

Madaxweynaha Puntland oo gudooomiye u ah golaha maamulada Soomaaliya islamarkaana diyaarada la saarnaa Madaxweynaha Jubaland ayaa ogolaadey sida ka muuqatey Video toos ah oo baraha bulshada kasoo muuqdey in dowlada Federaalka kala qaybiso labada wafdi islamarkaana kala siiso hab maamuus kala duwan “Protocol.”

Dhinaca kale Madaxwayne Gaas oo muddo xileedkiisa ku egtahay sanadkaan dhamaadkiisa ayaa sida warsidaha GO ogaadey dad aan ka badneyn tobaneeyo ku soo dhoweeyeen albaabka VIP ee garoonka diyaardaha Brussels halkaasoo uu ka qaadey gaari kaliya kasoo ay ku qoreyneyd calamaada shirka loo qabanayo madaxda Soomaaliya.

Maamulka Jubaland iyo Villa Soomaaliya ayaa waxaa wayadaan dambe u dhexeeyey Khilaaf xoogan kaas oo sababey in magaalada Kismayo dib looga soo celiyo abaanduulihii ciidamada dowlada Federaalka oo damacsanaa inuu kasoo dago magaalada Kismaayo.

Dowlada Federaalka ayaa waxay si aan qarsoodi aheyn ugu mashquulsan tahay sidii khalkhal siyaasadeed ugu sameyn laheyd  Jubaland iyadoo qaar ka tirsan gobolada uu maamulkaan ka arimiyo gaar ahaan gobolka Gedo u dhiseyso ciidamo ka madax banaan Kismaayo.

Waxaa horey khilaaf muddo qaatey xalintiisa u dhexmarey maamulka Jubaland iyo dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Shiikh kasoo markii dambe ku dhamaadey in Villa Somalia aqbasho dhismaha maamul goboleedkaan oo ay hortaagneyd xiligaas.

Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa waxaa la filayaa dabayaaqada sanadka soo socda in maamulkiisa ay ka dhacdo doorasho taasoo sababtey in dowlada Federaalka martigaliso siyaasiyiin mucaarad ku ah kuwasoo shirar ku qabsadey magaalada Muqdisho.


Jubbaland oo diiday ka qeyb-galka furitaanka Shirka Brussels

BRUSSELS, Belgium - Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay diiday ka qeyb-galka furitaanka Shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo kaasi oo maanta ka furmay magaalada Brussels, ee caasimadda dalka Belgium-ka.

Qoraal lasoo dhigay bogga Twitter-ka Jubbaland, ayaa lagu sheegay in wafdiga Madaxweyne Axmed Madoobe uu qaadacay inuu ka qeybgalo furitaanka shirka, kadib markii daqiiqadii ugu dambeysay wax laga bedelay ajandaha iyo in la jebiyay Protocol-ka. Xogtaan ayaa waxaa horey u baahiyey warsidaha Garowe Online Halkaan ka akhri

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in Axmed Madoobe uu sidoo kale diiday markii sida xun loola dhaqmay inuu dego Hotel-kii martida loogu tala-galay, isagoo la geeyay meel kale oo Hotel ah. [Halkan ka akhri warka].

Arintan ayaa imaanaysa xilli shalay Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas lagu kala reebay Garoonka Brussels, iyagoo hal diyaarad kuwada tagey Belgium-ka.

Qaban-qaabiyaasha soo dhaweynta madaxda Soomaalida u xilsaartay Safaaradda Soomaaliya ee Brussels ayaa la sheegay inay si ka baxsan Protocol-ka ula dhaqmeen Madaxweyne Axmed Madoobe, oo u diiday inuu tago qeybta VIP-da Garoonka, oo la geeyay Cabdiweli Gaas oo ay isla socdeen.

Waxay tani muujinaysaa in khilaafka Jubbaland iyo dowaldda Federaalka Soomaaliya uu gaarey heerkiis ugu sareysay, islamarkaanka uu noqday mid kasoo muuqday shirka caalamka ah ee Brussels, oo beesha caalamka ku sugan yihiin.

Jubbaland ayaa Jimcihii lasoo dhaafay kasoo celisay Garoonka Kismaayo diyaarad waday Taliye cusub oo dowladda Federaalka u magacawday qeybta 43-aad ee Ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalka Gedo iyo Jubbooyinka.


Wafdiga Jubbaland oo ku biiray Shirka Brussels [Maxaa lagu qanciyay?]

BRUSSELS, Belgium - Waxaa lagu guuleystay in lagu soo biiriyo wafdiga Jubbaland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Madoobe Shirka arrimaha Soomaaliye ee Brussels, kadib markii laga qanciyay qodobada markii hore uga biyo diiday ka qeyb-galka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in Saraakiil katirsan Midowga Yurub ay la kulmeen Axmed Madoobe iyo wafdigiisa, iyagoo ka raalgeliyay waxyaabihii ay tabanayeen, ee ahaa in wax ka bedel lagu sameeyay ajandiyaasha shirka iyo jebinta Protocal-ka.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa hadda ku biiray Shirka Brussels ka socda, kaasi oo uu diiday in furitaankiisa. [Halkan ka akhri Warbixinta].

Madaxda Soomaalida ayaan weli ka hadlin arinka Axmad Madoobe iyadoo furitaanka shirka uu maanta goob joog ahaa Ra'isal wasaare ku xugeenka Mahdi Maxamad.

Beesha caalamka ayaa aad uga xumaaday khilaafka madaxda Soomaalida ee ku sugan Shirka, kaasi oo la doonayo in go'aanno looga gaaro mustaqbalka dalka Soomaaliya.

Shirkii Madasha Iskaashiga (Somalia Partnership Forum] ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha bini'aadanimada, soo kabashada dhaqaalaha, qiimeynta horumaradii laga sameeyay heshiiskii shirarkii London iyo caqabadaha taagan sidoo looga gudbi lahaa.


Axmed Madoobe oo shirka Brussels ku karbaashay DFS 

BRUSSEL - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa khudbad uu shalay [Sabti, July 16] ka jeediyay shirka Brussels si weyn ugu dhaliilay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo khudbadiisa Af Soomaaliya ku jeediyay, ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya fulin la'aan qodobadii lagu heshiiyay shirarkii ka dhacay dalka gudahiisa iyo dibadda oo ay kamid yahiin kuwii London iyo Baydhabo.

Madaxweynaha Jubbaland oo hadalkiisa xoogga ku saarey arrimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa daboolka ka qaadey in Xukuumadda Khayre iyo AMISOM aysan daacad ka ahayn.

Wuxuu tilmaamay in fulin iyo isla-xisaabtan la'aan ay ka jirto dalka Soomaaliya, iyadoo beesha caalamka ay dhaqaale fara badan ay ku bixinayaan sidii dalka dib loogu soo dabaali lahaa amni iyo xasilooni.

Axmed Madoobe ayaa xusay in dowladda dhexe ay ku fashilantay inay sugto amaanka caasimadda, oo uu shaaca ka qaaday in Al-Shabaab awood u leedahay wali inay ka fuliso weeraro mar walba.

"Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu Qarax ka dhacay Muqdisho. Marka waan inaan iska dhaafnaa isku hambalyenta. Al-Shabab markay rabto ayay Muqdisho weerar ka fulin kartaa," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hadalkan ayaa ahaa mid Madaxweyne Axmed Madoobe kaga jawaabyey warbixin wafdigq dowladda Federaalka ka sheegeen shirka taasoo aheyd in markii ugu horeysay mudo 12 sano ah aan Muqdisho wax qarax ah ka dhicin bisha Ramadan.

Mar uu soo hadal-qaaday Axmed Madoobe qorshaha bixitaanka AMISOM ayuu sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan waqti xaadirkaan u diyaarsaneyn inay la wareegaan amaanka guud ee dalka.

"Waxa loogu yeero qorshaha kala guurka oo ay ku baxayaan AMISOM, waxaan arkaa inay tahay inaan la joogin waqtigeeda oo aanan u diyaarsaneyn Beesha Caalamka, iyo dowladda Soomaaliya," ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweynaha Jubbaland.

Mudane Axmed Madoobe ayaa ugi baaqay beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya in marka hore ay diyaariyaan ciidamoa Soomaaliyeed, oo awood u leh inay hantaan mas'uuliyadda amaanka dalka.

Wuxuu kaloo sheegay in ciidamada Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ay kala qeyb-sadeen dalal, isagoo tibaaxay in ciidamadda Booliska ay gacanta ku hayaan Ingiriiska iyo Milatariga oo Mareykanka maamulo.

Axmed Madoobe ayaa ku celiyay baaqiisa ah in qodobadda kasoo baxa shirarka Soomaaliya loo qabto ay noqdaan kuwa la dhaqan-geliyo, sidoo kalena deeqaha dhaqaale lagu bixiyo meeshii loogu tala-galay.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadayaa iyadoo uu taagan yahay Khilaafka qarka u saarmay inuu saameyo ka qeybgalka Jubbaland ee shirka Belgium ka socda, kaasoo soo ifbaxay markii Axmed Madoobe ka dagay Brussels, oo qeybta Protocol-ka Safaaradda Soomaaliya ay si aan munaasab ahayn ula dhaqmeen.[Halkan ka akhri Warbixinta].

Maamulka Axmed Madoobe ayaanan la dhacsaneyn habka dowladda Federaalka ula dhaqmayso Jubbaland, isagoo dhawaan warqad uu u qoray Farmaajo isagoo ka cabanaya la-tashi iyo wadshaqeyn la'aan dhanka Taliska Ciidamada xoogga uusan.

Jubbaland ayaa Garoonka Kismaayo kasoo celiyay Jimcihii lasoo dhaagay diyaarad wadey Taliyaha cusub ee qeybta 43-aad ee Ciidamada xoogga dalka, ee ka howlgala Gedo iyo Jubbooyinka, kaasi oo maalin kadib ka dagay Garbahaarey.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo xiriika uu la leeyahay Villa Soomaaliya aan wanaagsaneyn xilligan, ayaa dhawaan ku eedeeyay Xukuumadda uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Khayre inay fulin waysay go'aankeedii dhex-dhexaadnimada xiisada Khaliijka, islamarkaana ay la safatay Qadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM