Xukuumada oo lagu eedeeyay khalkhal gelin amni iyo farogelin gurracan

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Khilaafka u dhaxeeya madaxda Villa Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa u muuqda mid waji cusub lugaha lasii galaya kadib iska hor-imaadkii garoonka diyaaradaha Kismaayo, galabnimadii Khamiista.

Isku dhaca oo u dhaxeeyay ilaalada murashax madaxweyne Cabdinaasir Seeraar iyo Booliska ayaa yimid markii siyaasiga uu ku gacan-seyray dalab ku aadan in ciidamadiisu hubka dhigaan iyo la baaro agab uu watay.

Sidda ku cad war-saxaafadeed luqad adag lagu qoray oo kasoo baxday wasaarada arrimaha gudaha maamulkaasi, dowlada ayaa "mas'uul ka ah dhacdadaasi, waxayna caddeyneysaa in ay ka shaqeyneyso khalkhal gelinta Jubbaland".

Inta la xaqiiyey hal askari ayaa ku dhintay dhacdadaasi, xili ay ku dhaawacmeen laba kale, oo haatan lagu daaweynayo Isbitaalka guud ee xarun goboleedka Jubbada Hoose, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

"Waxaa iyana cad in xukuumada federaalka ay farogelin gurracan ku hayso degaanada Jubbaland, arrintaasi oo uu horey madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland war-saxaafadeed ku xusay," ayaa lagu yiri bayaanka.

Is-rasaaseynta gegida diyuuradaha Kismaayo ayaa la sheegay in ay saameyn ku yeelatay Shirka Garowe uga socda madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo qarka u saaran in uu burburo. [Halkaan ka akhriso fahfaahinta]

Wasaarada Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa ka digtay talaabooyin lagu majaxaabinayo amniga inta lagu guda jiro doorashooyinka xubnaha baarlamaanka iyo madaxweynaha oo bisha Agoosto loo balansan yahay.

"Doorashadaasi si xor iyo xalaal ah ayay ku dhaceysaa," ayaa laga soo xigtay war-saxaafadeedka wasaarada oo intaasi raacisay "Jubbaland uma dulqaadan doonto in ammaankeeda la wiiqo".

Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ayay cod dheer uga dalbatay in ay si dhow ula socdaan "ficilada dowlada federaalka ku khal-khal gelineyso amniga Jubbaland ee ay iyada qaadi doonto wixii dhib ah ee ka yimaadda".

Xeel-dheeraaasha ayaa rumeysan in eed isku tuur-tuurka dhinacyada is-haya ay dharbaaxo ku noqoneyso dadaalada dowlada federaalka oo kaashaneysa beesha caalamka ee xasilnta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalal katirsan Afrika oo diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in Israa’iil ay waqtigan ku dhawaaqdo aqoonsigan, iyo in ay filayso wax ay ku beddesho.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:43PM

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM