Kadib 27 sano, Dekadda Muqdisho oo shaqeynaysa xilliga Habeenkii [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa caawa ku dhawaaqday in Dekadda weyn ee Muqdisho ay shaqeyn doontii wixii hadda ka dambeeya xilliga Habeenkii ah, taasoo noqonaysa markii ugu horeysay mudo 27 sano ah.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Mayran Aweys Jaamac, Maareeyaha Dekadda iyo Wasiirka Ganacsiga ayaa ka qeyb-galay munaasabadda lagu daah-furay shaqada xilliga Habeenkii ee Dekadda Muqdisho.

Ujeedka ugu weyn ee loo kordhiyay saacadaha shaqada Dekadda ayaa ah in la kordhiyo dakhliga dowladda Federaalka oo si weyn ugu tiirsan dhaqaalaha ishan ka yimaada, maadaama aysan maamulin Dekadaha iyo Garoomada kale ku yaalla dalka guud ahaan.

Dekadda ayaa shaqeyn doonto mudo 24 saac, iyadoo lagu xiray agab cusub oo u sahlaya inay maraakiibta kusoo xirtaan ama ka shareecdaan, waxaana maamulka arrimahaasi gacanta loo geliyay shirkad laga leeyahay Turkiga oo Al-Bayrak lagu magacaabo.

Madaxdii ka hadashay xafladda ayaa ugu baaqday ganacsatada gobolka Banaadir inay dowladda garab istaagaan, oo ay  habeenkii wax kasoo degsadaan Dekadda, xilli cawasho ka yihiin lacago dheeri oo lagu kordhiyay canshuurta alaabta kasoo degta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM