Kadib 27 sano, Dekadda Muqdisho oo shaqeynaysa xilliga Habeenkii [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa caawa ku dhawaaqday in Dekadda weyn ee Muqdisho ay shaqeyn doontii wixii hadda ka dambeeya xilliga Habeenkii ah, taasoo noqonaysa markii ugu horeysay mudo 27 sano ah.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Mayran Aweys Jaamac, Maareeyaha Dekadda iyo Wasiirka Ganacsiga ayaa ka qeyb-galay munaasabadda lagu daah-furay shaqada xilliga Habeenkii ee Dekadda Muqdisho.

Ujeedka ugu weyn ee loo kordhiyay saacadaha shaqada Dekadda ayaa ah in la kordhiyo dakhliga dowladda Federaalka oo si weyn ugu tiirsan dhaqaalaha ishan ka yimaada, maadaama aysan maamulin Dekadaha iyo Garoomada kale ku yaalla dalka guud ahaan.

Dekadda ayaa shaqeyn doonto mudo 24 saac, iyadoo lagu xiray agab cusub oo u sahlaya inay maraakiibta kusoo xirtaan ama ka shareecdaan, waxaana maamulka arrimahaasi gacanta loo geliyay shirkad laga leeyahay Turkiga oo Al-Bayrak lagu magacaabo.

Madaxdii ka hadashay xafladda ayaa ugu baaqday ganacsatada gobolka Banaadir inay dowladda garab istaagaan, oo ay  habeenkii wax kasoo degsadaan Dekadda, xilli cawasho ka yihiin lacago dheeri oo lagu kordhiyay canshuurta alaabta kasoo degta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM