Kenya oo baaraysa sida uu Fahad Yaasiin ku helay Baasaboorkeeda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay baareyso sida ay ugu suurta-gashay Fahad Yaasiin inuu helo baasaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga Muwaadinimo ee dalkaasi.

Fahad Yaasin ayaa sameystay laboo Baasaboor, oo leh labo Taariikh iyo dhalasho kala duwan kuwaasoo uu ku safro marka kasta oo safar dibadda ah galayo.

War kasoo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in Fahad uu wato Baasaboor lambarkiisu yahay C024542 iyo sidoo kale kaar aqoonsi No.28847167, waxaana ay hay'adaha amniga ay baarayaan sida uu ku helay.

- Aqoonsi Soomaali-

Fahad Yaasiin, oo dhawaan Farmaajo u magacaabay ku xigeenka Taliyaha NISA, ayaa ku qaatey Baasaboorada midkii ugu dambeeyay September 6, 2013, isagoo magaciisa bedelay oo Daahir la baxay.

Macluumaadka ku xusan Baasaboorka oo dhacaya waqtigiisa September 5, 2023 ayaa waxaa lagu sheegey in Fahad Yaasiin ku dhashay magaalada Mandheera, ee dalka Kenya, taasoo Kenya geliyay shaki xoog leh.

Kaarkiisa aqoonsida Soomaaliga ah oo loo soo saarey July 13, 2017 kadib markii loo dhiibay Agaasiimaha Villa Somalia waxaa ugu qoran inuu ku dhashay dalka Soomaaliya.

Laakiin, fahfaahinta Kaarkiisa aqoonsiga Kenya waxa uu muujinayaa inuu Fahad dhashay April 5, 1978, waxaana laga soo saarey bariga magaalada Mandheera ee dalkaasi sanadkii 2001.

Agaasimaha waaxda socdaalka, ilaaladda xuduudaha iyo daawaangelinta dadka, Maj Gen (Rtd) Gordon Kihalang’wa ayaa xaqiijiyay in baaritaanada ay socdaan, balse diiday inuu bixiyo macluumaad dheeri ah.

"Waxaan helnay macluumaad, waxaana isku dayaynaa inaan baaritaan ku sameyno dukumintiyada iyo sidii uu Fahad Yaasiin ku helay," ayuu yiri Kihalang’wa.

 - MUWAADINKA - 

Qodobka 14aad, farqadiisa (1) ee Dastuurka Kenya wuxuu dhigayaa in qofka uu yahay muwaadin hadii uu ku dhasho dalkaasi, wax micno ah ma lahan hadii ay hooyadii Kenyan tahay ama abaahiiis.

Kenyan ayaa laga mamnuuca muwaadiniinteeda qof haysta dhalashda dalkaasi inuu xil-dowladeed loo magacaabo, iyadoo Soomaaliya ay madaxdeeda ugu sareysa ay yihiin kuwa haysta dhalashooyin kale.

Fahad Yaasiin oo isagu qoyskiisu u dagan yahay magaalada Nairobi ayaa sida wararka warsidaha Garwo Online ku hely hay'adaha Nabad Sugida dalalka ciidamada ka sugan yihiin Soomaaliya aysan ku farxin madaama uu horey uga tirsanaan jirey ururada Islaamiga ee ka dagaalamy dalkaan.

Yaasiin oo gacan wayn ka gaystey doorashadii Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu sidoo kale ka tirsanaan jirey sirdoonka dalka Qadar kuwasoo la sheegey iney ka codsadeen Villa Soomaaliya in loo magaacaabo ninka ugu tunka weyn dowlada Farmaajo hay'ada  NISA ka codsad kuwasoo qorsheynaya in maaliyad ay siin jireen xafiiska agaasimihii madaxtooyada u wareejinayaan xarunta sirdoonka ee ku taal magaalada Muqdoisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM