Kenya oo War kasoo saartey baajinta Xafladdii CC Shakuur

Image

NAIROBI, Kenya - Aadan Barre Ducaalle, oo ah hogaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya ayaa ka hadlay go'aankii lagu joojiyay xafladdii lagu soo dhaweyn rabey Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

Ducaalle oo wareysi siiyay BBC Somali ayaa sheegay in Kenya aysan marnaba aqbali doonin in dalkeedu uu noqdo meel looga duulo dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiya Madaxweyne Farmaajo.

"Sharciga Kenya ma qorayo in xisbi kale oo ajnabi ah oo xisbiyadda dalka ka jira aan ahayn uu shirar ku qabsado oo wadan kale dowlad ka jirta lagu burburiyo," ayuu yiri Aadan Barre Ducaalle.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in laamaha amniga Kenya lagu amray inay joojiyaan Xafladdii maanta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ay doonayeen inay kusoo dhaweeyaan Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

Wuxuu sheegay inuu jiro amar ka soo baxay madaxda sare ee dowladda Kenya oo mamnuucaya dhamaan shirarka siyaasiyiinta mucaaradka ku ah maamulka Farmaajo ay ku qabanayaan Nairobi.

"Dowladda Kenya waa dowlad aqoonsan jiritaanka dowladda hadda ka talisa Soomaaliya, dowladdaasi waxay xubin ka tahay Midowga Africa, waxay xubin ka tahay IGAD, waxay xiriir la leedahay dalalka Geeska Africa, ma ogolaanayno in wadankeena uu noqdo meel looga duulayo," ayuu yiri Ducaalle.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaalle ayaa ah shaqsiga gadaal ka riixaqaya in Kenya ay joojisay shirarka Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee aan ku fekerka ahayn dowladda federaalka ku qabsanayaan Nairobi.

Dhanka kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa eeda baaqashada xafladda dusha uga tuurey dowladda Federaalka oo uu sheegay inay beegsi ku hayso siyaasiyiinta isaga uu kamid ah ee dhaliilsan Siyaasadeeda. Halkan ka akhri. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM