Kenya oo warbixin cusub kasoo saartey dhismaha Derbiga Xadka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga difaaca baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in si habsami leh ay ku socoto howsha dhismaha derbiga dowladda dalkaasi ay ka wado xuduuda Soomaaliya.

Xildhibaano kamid ah Gudiga ayaa shalay oo Jimco ahayd booqday magaalada Mandheera, iyagoo usoo kuurgalay sida ay ku socoto howsha derbiga la dhisayo, kaasoo ay sheegeen in lagu xirayo Koronto iyo kaamirooyin casri ah.

Gudigga oo uu horkcayo gudoomiyihiisa Katoo Ole Metito ayaa tilmaamay in sababta ay u tageen Mandheera inay ahayd inay soo aruuriyaan aragtida shacabka degaanka ee ku aadan joogitaanka ciidamada Kenya ee dalka Soomaaliya.

Xildhibaanka laga soo doorto bariga Mandheera, Cumar Sala ayaa sheegay in shacabka ay doonayaan in ciidanka Kenya laga soo saaro Soomaaliya, maadaama joogitaankooda sabab u yihiin weerarada Al-Shabaab ka fulinayaan dalkaasi.

Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inay sii wadi doonto weeraradeeda Kenya hadii aan ciidanka Kenya laga soo saarin Soomaaliya, iyadoo dalabkan uu noqday mid muran ka dhex dhaliyay shacabka iyo dowladda Kenya.

Gudiga difaaca Kenya ayaa dhegeysanaya warbixinta uga timid reer Mandheera, waxaana kamid ah in magdhow la siiyo waalidiinta iyo ehelada Askartii looga dilay Kenya dalka Soomaaliya, kuwaasoo kasoo jeeda gobolka waqooyi bari.

Suleyman Aadan oo kamid ah dadka degan Mandheera ayaa sheegay in amniga magaalada soo hagaagayay tan iyo markii la billaabey dhismaha derbiga laga hirgelinayo xuduuda Soomaaliya.

"Ma jirin wax weeraro ah oo dhacay sanadkii tagey, oo ka duwanaa midkii ka horeeyay oo Al-Shabaab ka fulisay in ka badan 10 jeer todobaad kasta," ayuu yiri ku xigeenka gudoomiye ku xigeenka Mandheera, Maxamed Caray.

Gollaha Wasiiradda Kenya ayaa la filayaa inay kulan gaar ah ka yeesho warbixinta uu soo gudbiyay Gudiga difaaca baarlamaanka dalkaasi, taaso oo ku saabsan dareenka shacabka Mandheera iyo dhismaha derbiga.

Injineeradda ku howlan dhisamaha derbiga ayaa xusay in lagu guuleystay illaa haatan in la dhiso 12-KM sanadkii tagey, waxayna kalsooni ku qabaan in shaqadooda ay kusoo afjaraan sida uga dhaqsiyaha badan.

Meelaha la marsiinayo derbiga waxaa kamid ah magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, halkaasoo ay dhawaan ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo ku xad-gudubka dhulka Soomaaliya ay kusoo xad-gudubtay dowladda Kenya.

Wasiiradda arrimaha dibadda iyo Madaxweyniyayaasha Kenyan iyo Soomaaaliya ayaa dhowr jeer kawada hadlay arinta derbiga iyo cabashada dadka ku dhawan Beled-Xaawo.

Kenya ayaa doonaysa in derbiga uga hortagto weerarada Al-Shabaab ee dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM