Khayre oo ka degay Dhuusamareeb kadib markii uu ka hayaamay Xaaf

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa gaarey magaaladda Dhuusamareeb kadib markii uu ka duulay caasimadda dalka ee Muqdisho, Isniinta maanta ah.

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa waxaa garoonka xarunta gobolka Galgaduud kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin kala duwan, waxaana loo gal-gabiyey hoyga uu halkaasi ka degayo.

Socdaalka uu Khayre ku tegay Dhuusamareeb ayaa wuxuu imaanayaa saacado kadib markii uu Madaxweynaha Galmudug uu galabnimadii Axada isaga huleelay caasimada Galmudug.

Ka tegitaankiisa magaaladda ayaa timid kadib muddo laba maalmood ah oo uu halkaasi ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumada federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye.

Axmed Ducaale Xaaf ayaa lagu waramayaa in uu kusii jeedo magaaladda Cadaado, xarunta baarlamaanka Galmudug, halkaasi oo ay uga sii horeeyaan wafdi Xildhibaano ku kacsan Villa Soomaaliya.

Mr Xaaf ayaa war-saxaafadeed uu habeenimadii Axada soo saarey wuxuu ku sheegay in xal laga gaarey khilaafkii kala dhaxeeyay madaxda dowladda, doorashadana la qabanayo 4-ta bisha June ee sanadkan.

Hogaamiyaha Galmudug ayaa wuxuu intaasi ku daray in uu laaley heshiiskii Ahlu Sunna ay ugu soo biirtay dowlad goboleedkaasi, sidda ku cad bayaanka oo uu arkay Garowe Online.

Khilaaf muddo taagnaa oo u dhaxeeyay Xaaf iyo madaxda federaalka ayaa salka ku hayey mudeynta cod-bixinta Galmudug, taasi oo ay haatan u muuqato in lasoo afjarey.

Xukuumada haatan jirta ayaa dooneysa in ay Xaaf ku bedasho siyaasi daacad u ah si lamid ah doorashadii Koonfur Galbeed oo la sheegay in ay farogelin ku sameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo ku eedeeyay Sheekh Shariif iyo Khayre inay abaabuleen afgambi ka dhan ah Xasan Sheekh

Fiqi ayaa sidoo kale ku andacooday in mucaaradku ay abaabuleen maleeshiyaad si weyn u hubeysan iyagoo ku gambanaya banaanbax nabadeed.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 07:24AM

Barakac Ka Billowday Qaar Ka Mid Ah Xaafadaha Muqdisho Xilli Xiisadda Sii Kordhayso

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ama hoggaanka mucaaradka oo ku saabsan barakaca la soo sheegayo.

  • Soomaliya

    03-06-2026

  • 09:27AM