Khayre oo ka hadlay Xiisadda Khaliijka iyo saameynteeda Soomaaliya [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Khayre ayaa mar kale difaacay go’aanka ay dowladdu ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka, isagoo sheegay inuu yahay mid Soomaaliya kala siman tahay dalalka caalamka.

Khilaafka wadamada Khaliijka oo saameyn muuqata ku yeeshay siyaasadda dalka islamarkaana kala qaybiyey xukuumada Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa Villa Somalia lagu dhaliilay inay la safatay Qadar.

Qadar ayaa waxaa xayiraad dhulka, Badda iyo cirka ah kusoo rogay xulufada uu hogaaminayaan Sacuudiga oo Imaaraadka uu qayb ka yahay ayaa lagu eedeeyay arrimo badan, inkastoo ay gaashaanka ku dhuftay.

Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya oo ka hadlay kulan ay Wasiiraddiisa ku yeesheen caasimada dalka ayaa dusha u saaray masuuliyada madaxdii hore ee dalka tuhunka laga qaaday mowqifka dowladda haatan jirta.

“Waxaan kusoo beeganay iyadda oo wadamada Khaliijka dhexdooda uu khilaaf ka jiro. Waxaan isku day inaan gaarno go’aan dhex-dhexaad ah oo ay gaareen dowladaha deriska. Waa nagala aqbali waayey, sababta oo ah iyadduna waxay salka ku haysay dhaqan hore oo lasoo dhaafay. Iyadduna waxay salka ku haysay musuq-maasuq. Iyadduna waxay salka ku haysay qaab dhaqameed ah in dunida ay aaminsan tahay in go’aan walba oo la gaarto lagaa bedali karo, sababta oo ah si unbaa laguu musuq-maasuqay,” ayuu raaciyay.

Dhibaatooyinka ka dhashay mowqifka xukuumada waxaa kamid ah in dowladda Imaaraadka inay joojiso kaalmadii iyo tababarkii ay kawaday Saldhiga Jeneraal Gordan ay xukuumaddu Abu Dubai maamulaysay, kaasi oo ay dowladda wali uraadineyso dhaqaalo si howshu oo gab gashay usii socoto.

Sidoo kale, ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa madaarka caalamiga ah ee Muqdisho ku joojiyay lacag ku socotay Safaarada Imaaraadka ee Muqdisho, taasi markii ay dhacday xukuumada Abu Dubai ay si kulul u cambaareysay, xili dowlada Farmaajo ay qiratay inay qalad ahayd.

Markii Imaaraadka tababarayaashiisa iyo qalabkiisa uu kala baxay Saldhiga Jenaraal Gordan waxa askar uu Imaaraadku tababaray ay suuq madow u beeciyeen Qoryo AK 47 ah, halka kuwa kale ay shaqaaqo ka abuureen gudaha Saldhiga, taasi oo dhalisay in qaarkood la xiray, islamarkaana la xukumo.

“Iyadduna [tuhunka] waxay salka ku haysay in madaxda qaranka la kala qaybin karo oo mid uu si uyiraahdo kan kale si uyiraahdo. Waxay salka ku haysay taariikh qaldan oo aan soo dhaafnay iyo wax qaldan oo dalka ka dhacay, waxay salka ku haysay masuuliyad yari musuq-maasuq ah,” ayuu ku daray.

Hadalka Khayre ayaa kusoo aadaya xili ay wali muuqato raadkii uu dalka kaga tegay khilaafka khaliijka, oo ay ugu horeysyo is-fahan la’aan dowlada iyo maamul goboleedyadda iyo doorkii Imaaraadka ku lahaa dhisitaanka ciidamada xooga dalka oo wali la’yahay cid buuxisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM