Khayre oo war cusub kasoo saarey Nidaamka Xisbiyadda [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa gaashaanka ku dhuftay warar sheegaya in beesha caalamka u meeriso Xukuumadiisa go'aanada Masiiriga ah.

Isagoo ka hadlayey xiritaanka Shirwaynaha Hal-abuurka iyo Hogaanka, kaasoo ka socday Muqdisho, maalmihii lasoo dhaafay, ayaa in dowladda hadda jirtay ay beesha calaamku ula dhaqanto si ka duwan dowladihii hore ee Soomaaliya.

"Waxaan idin sheegayaan in dowladda hadda jirta ay dalalka beesha caalamku ula dhaqmaan si ka duwan dowladihii hore, oo meel walba oo caalamka kamid ah oo aan tagno noola xushmeeyo inaan nahay dal arrimihiisa u madaxbanaan," ayuu yiri Khayre.

Dhinaca kale, Khayre oo la hadlaya dhalinyaradda Soomaaliyeed ayaa uga digay inay ku dhex-milmaan siyaasadaha qalafsan ee dalka ka jira, isagoo ugu baaqay inay garab istaagaan dowladda, islamarkaana ay mustaqbalkooda ka shaqeeyaan.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku dhaliilay Dhalinyaradda inay ka gaabiyeen la shaqeynta hay'addaha Amaanka, gaar ahaan marka uu fal dil ah uu dhaco aysan soo sheegin cidda falkaas geysatay.

Isagoo soo hadal-qaaday hir-gelinta nidaamka Xisbiadda badan ee dalka, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in isaga iyo Farmaajo ay diyaar yihiin inay dhaqan-geliyaan, si dalka ay uga dhacdo doorasho qof iyo cod sanadka 2020.

"Waxaan hir-gelin doonaa nidaamka axsaabta si doorasho qof iyo cod u dhacdo. Waxaan diyaarin doonaa Shuruucda doorashada si doorasho qof iyo cod u dhacdo, waxaana dooneynaa in awooda aan gacantiina kusoo celino," ayuu Ra'iisul Wasaaraha xusay.

Khayre iyo kooxda xulifida siyaasadeed yihiin oo la baxay magaca Nabad Nolol ayaa qorsheynaya in nidaamka doorasho u badalaan in shacabka xisbiyo u codeeyaan iyaga oo aan weli ka tagin hab qaybsigii 4.5 kaasoo xiabiyada tartamaya la rabo iney kuraasta ku qaybsadaan Barlamanka markii codadka kala tirsadaan.

Dalka Soomaaliya kama jiraan xisbiyo siyaasadeed oo ka dhisan guud ahaan wadanka oo dhan balse waxaa jira kooxo siyaasadeed kuwasoo ku midoobey ururo diimeed iyo kuwo dano gaar ah laga leeyahay.

Ugu dambeyn, Khayre ayaa qiray in nidaamka axsaabta uu yahay qaabka kaliya ee Qabiilka duleeyay Soomaaliya 30-kii sano ee lasoo dhaafay looga gudbi karo, wuxuuna shacabka ka codsaday inay maskaxdooda ka saaraan Qabyaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM