Khilaafka dowladda iyo maamullada oo khatar ku ah tageeradda caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa ka digay in Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada uu halis gelinayo taageeradda beesha caalamka ee xasilinta iyo dib usoo celinta dalkan ay colaadda la degtay.

Haysom ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu maalmihii lasoo dhaafay safaro ku kala tagey Kismaayo iyo Baydhabo, isagoo uu la socdo Wakiilka Midowga Africa, ahna madaxa AMISOM, Francisco Madeira.

Madeira iyo Haysom ayaa kulamo la qaatey Madaxweyniye-yaasha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo Koonfur Galbeed, Shariif Xasan, oo ka wada hadleen xiisadda taagan iyo sidii xal waara loogu heli lahaa.

"Waxaan raadineynaa sidii aan isagu keeni lahayn madaxda Soomaalida, iyadoo aan rajeynayno in Soomaalidu ay wajihi karaan dhibaatooyinkooda halkii ay kala qeybsanaan lahaayeen," ayuu yiri Haysom.

Hadalka Ergayga QM ayaa imaanaya xilli uu meel sare gaarey khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya kaasi o cirka isku sii shareeray kadib markii hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada ay 8-dii September ay hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda dhexe sababo la xiriira horumar la'aanta siyaasadeed iyo amniga ee ka jirta Geeska Afrika.

Hoggaamiyeyaasha Jubaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay Villa Somalia inay farageliso arrimaha maamul goboleedyada, iyadoo ku guul daraystay in ay fuliso heshiisyadii hore, sida dhismaha amniga iyo heshiisyada siyaasadeed ay hore u wada saxiixdeen.

"Asal ahaan, waxan u sheegeynay [Madaxda Soomalida] in waxa aan wajahayno ay tahay arrin siyaasadeed oo aad u culus - ismari-waagga maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka waxuu curyaminayaa dadaalladeenna aan ku caawineyno Soomaaliya in ay dib ugu istaagto cagaheeda," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Haysom.

Aqalka Sare oo dowlad goboleedyada ku matala dowladda dhexe ayaa sidoo kale ku howlan xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, iyadoo Ra'iisul Wasaare Khayre magacaabey gudi wasiirro ah oo waan-waanta iyo dhex-dhexaadinta kala shaqeeya.

Dowlad goboleedyada ayaa in mudo ah ka qabanayay qaabka maamulka Farmaajo ku wajahayo arrimaha gobolladooda khuseeya iyo wadaagga khayraadka dalka, oo ay sii dheertahay dhisamaha ciidamada iyo qeybsiga deeqaha dhaqaale ee caalamka uu siiyo Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isagoo caasimadda South Sudan, ee Juba kula hadlayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladaasi ku dhaqan ayaa sheegay in maamul goboleedyada ay dowladda dhexe ku haystaan siyaasadda arrimaha dibadda. [Halkan ka akhri warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM