Koonfur Galbeed oo guulo ka sheegtay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey in ugu yaraan lix ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay saaka ciidamadooda ka sameeyeen duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay degaan lagu magacaabo Xariima ayaa ka dambeeyay markii xubno Al-Shabaab ay halkaas yimaadeen, sidda laga soo xigtay gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshadda ee Diinsoor.

Cabduqaadir Shacbaan ayaa xaqiijiyey dhaawaca taliyaha ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee Diinsoor, Taliyow Macalin Shiine.

"Jilibka hoostiisa ayay wax kasoo gaareen, hadda wuu fiican yahay," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo u rajeeyay soo kabasho.

Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed, oo baraha bulshadda kusoo bandhigtay sawiradda laba kamid ahaa xubnaha lagu qeexay Al-Shabaab, ayaa tirada dagaalameyaasha ay ciidanka toogteen ku sheegtay laba.

"Howlgalo saaka ay sameyeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta KGS ee ku sugan degmada Diinsoor ayaa deegaanka Xariima waxay ku soo dileen labo dagaalyahan oo katirsanaa Al shabaab kuwaas oo meydadkooda la keenay degmada Diinsor," ayay soo warisay wasaaradda.

Dhanka kale, taliska ciidamadda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa tibaaxay in ay Al-Shabaab ka qabsadeen deegaanada Afcad, Ceel-bacad iyo Aboorey isla markaana ay burburiyeen fariisimo ay lahaayeen.

Taliyaha ururka 41aad Dhamme Cabduqaadir Cali Nuur ayaa u sheegay warbaahinta Dowladda Federaalka ah in ay khaarijiyeen 13 Al-Shabaab ahaa.

"Dhamme Cabduqaadir ayaa xusay in ay howlgalka ku dileen 13 ka tirsan maleeshiyada argagixisada Al-shabaab dhaawac badane ay u geysteen, wuxuuna intaas ku daray in gaari ay ka gubeen argagixisada, raashin,hub iyo laabtoobna ay ka carareen kaddib markii ay u babac dhigi waayeen ciidanka xoogga dalka," ayay wakaaladda wararka Qaranka ee SONNA ay baahisay.

Marka laga soo tago sheegashooyinkan, ma jiro wax war ah oo ku aadan dhacdooyinkan oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo gacansaar la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacidda ayaa loo aqoonsaday "halista ugu weyn" ee ammaanka Soomaaliya, waxaana laga cabsi qabaa in ay saameyn ku yeelato doorashooyinka 2020-2021.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM