​Koonfur Galbeed oo ka hadashay shakhsiyaad katirsan Daacish oo la qabtay

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Somalia- Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa faah faahin ka bixiyay Afar xubnood oo labo maalin ka hor lagu qabtay magaalada Baydhabo kuwaasoo la sheegay inay katirsanyihiin ururka Daacish ee kusugan dalka.

Shakhsiyaadkan ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay kamidyihiin kooxda uu hogaamiyo Cabdulqadir Muumin ee kusugan gobolka Bari, waxaana la sheegay inay qaabilsanaayeen gobolka Baay.

Afarta ruux oo dhammaantood rag ah ayaa lagusoo bandhigay magaalada Baydho, iyadoo la xusay inay ka mid ahaayeen shabakad ka kooban 7 qof oo loo xilsaaray inay waxyeello ka gaystaan gobolkaasi iyo guud ahaan deegaanada maamulkaasi uu ka koobanyahay.

Shakhsiyaadkan oo lagu kala magacaabo; Cali Maxamed Gaaboow Wakiilka Kooxda Daacish ee Gobalka Baay, Mahad Nuux Siidoow, Sameynta iyo diyaarinta Qaraxyada Macmalka, Cabdi-csiis Xasan Mursal Jabhadaha, iyo Maxamed Sheekh Isaaq oo Bambo tuurka qarxinta miinooyinka qaabilsan.

Cali Maxamed Gaaboow oo sheegtay in uu wakiil u ahaa Kooxda Daacish ayaa SONNA u sheegay in Afar Sano uu Al Shabaab ka tirsanaa una qaabilsanaa dhinaca dagaal galinta kana Shaqeyn jiray Ceelasha biyaha illaa iyo Marko, Balse mar dambe uu is fahmi waa soo kala dhexgalay kadibna uu ku biiray Kooxda Daacish.

“Amiir Xasiira ayaa Al-shabaab la iiga dhex yaqaanay, shir ayaan Ceelasha biyaha ku qaadanay aniga waxaa la ii xilsaaray wixii markaas ka dambeysay Amiirka Daacish ee gobalka Baay kadib markii aan isfahmi weynay, Al shabaab ”Sidaas waxaa wakaaladda wararka Somalia u sheegay Gaaboow.

Qabashada raggan ayaa waxaa ka hadlay wasiirka wasaaradda hub ka dhigista iyo dhaqancelinta mallayshiyaadka Xasan Xuseen, wuxuuna BBC-da u xaqiijiyay in dhammaan xubnahan ka tirsanayeen kooxdaasi islamarkaana jiraan rag kale oo la baadi goobayo.

Wuxuu xusay in lagasoo qabtay magaalada Baydhabo iyagoo doonaya inay dhibaato u gaystaan shacabka degmada.

Mar wax laga weydiiyay in raggan kamidyihiin mallayshiyaadka kusugan Galgala, ayuu tilmaamay inay socdaan baaritaan balse laamaha ammaanku xaqiijiyeen in xubnaha ku shaqeeyaan ammarka kooxdaasi ku sugan gobolka Bari, isagoo intaasi raaciyaan in shakhsiyaadkan kasoo jeedaan Koonfurta Somalia iyo qaybo kamid ah gobollada kale ee waddanka.

Taliska Nabad sugidda Somalia ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in shakhsiyaadkan degmada ka samaysteen ganacsiyo yar yar kuwaasoo ujeedkoodu ahaa inaan laga shakin , waxaana lagusoo qabtay Baskoolad iyo Bambaanooyin.

Arrintan ayaa timi xilli dowladda Maraykanka liiska Argagixisada ku dartay Cabdulqaadir Muumin oo madax u ah Daacishta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM