Koonfur Galbeed: Xiisada siyaasadeed oo isku rogtey gacan ka hadal

Image
Musharax Madaxwayne Koonfur Galbeed, Maxamed Farkeeti, ayaa sheegay in ciidamo ka amar-qaata Laftagareen ay weerareen gurigiisa.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Warar soo baxaya ayaa Jimcada maanta ah waxay sheegayaan in rasaas laga maqlay qaybo kamid ah magaaladda Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka Koonfur Galbeed.

Fahfaahinta ayaa waxay intaas ku dareysaa in iska—hor—imaadka u dhaxeeyo ciidamo taabacsan Laftagareen iyo murashaxiinta mucaaradka. Illaa hadda lama ogga khasaaraha.

Falkan ayaa kusoo aadaya xilli xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay muddo xileedka madaxweynaha maamulkaas taasoo horey looga digay in ay gacan ka hadal isku-badali karrto.

Diidmada muddo kororsi

Tafaasiil horudhac ah ayaa muujinaysa in dagaalka ka qarxay Baydhabo uu ka dambeeyay markii ciidamo taabacsan Laftagareen weerareen guriga mid kamid ah musharaxiinta.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan shaqaaqadan oo kasoo baxay Laftagareen. Mucaaradka ayaa maalmihii dambe waday gadood ay ku diidan yihiin muddo kororsiga madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wasaaradda amniga gudaha Koonfur Galbeed oo qoraal kooban soo saartey ayaa sheegtay in ciidamadda ammaanka oo howlgal ku jira ay "arbushaad kala kulmeen burcad jidgooyo dhigatay".

"Weerar gardaro ah"

Musharax Madaxwayne dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Maxamed Farkeeti, ayaa shaaca ka dhigay in ciidamo ka amar-qaata Laftagareen ay weerareen gurigiisa.

"Waxaa saaka aroortii gurigeyga Baydhabo ku yaal weerar gardaro ah ku soo qaaday ciidamo isugu jira Booliska Federalka, NISA, Ciidanka Xooga SNA iyo darawiishta Koonfur Galbeed. Wilina dagaalka wuu socdaa," ayuu yiri.

Musharax Madaxwayne Shariif Xasan Aadan oo ka hadlay shir jaraa'id kadib dhacdadan ayaa sheegay in madaxwayne Laftagareen uu go'aan ku gaarey xarig iyo xabad.

Miiska wadaxaajoodka

"Ninkaas waqtigiisa dhamaadey ee isku-haysta in Koonfur Galbeed ay tahay guri uu isagu leeyahay waxaan leenahay dadka in lalaayo kursi laguma haysan karo," ayuu hoosta ka xariiqay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka xun tahay "shaqaaqooyinka gacan—ka—hadalka ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo" waxaana ay ugu baaqdey dhamaan qeybaha siyaasadda "in ay miiska wadahadalka ku xaliyaan kala aragti-duwanaanshahooda".

Dhankiisa Farkeeti oo ka hadlay shirka jaraa'id ayaa ugu baaqdey Beesha Caalamka iyo ciidamadda nabad-ilaalinta Midowga Afrika in ay dhexdhexaad ka noqdana xiisadda aysana ku milmin is-qabqabsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 5,000 oo Soomaali ah oo u tahriibay Yurub 8-kii bilood ee la soo dhaafay

Dalka waxaa ka jira xasilooni darro siyaasadeed iyo amni xumo, iyadoo kooxaha Al-Shabaab iyo ISIS ay nolosha ka dhigayaan mid adag.

  • Soomaliya

    29-10-2025

  • 09:19AM

Khabiirka UN: Soomaaliya wali waa dal nugul oo u baahan taageero joogto ah iyo wadahadal siyaasadeed

Khabiirkan Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay mudnaanta siiso ilaalinta xuquuqda aadanaha.

  • Soomaliya

    28-10-2025

  • 12:52PM