Ku-xigeenkii Xeer-ilaaliyaha Soomaaliya oo Muqdisho lagu diley

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya dil saaka oo Arbaco ah xaafada Siigaale ee magaalada Muqdisho ugu geystay dabley hubeysan sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa xafiiska xeer-ilaaliaha Soomaaliya.

Marxuum Maxamed Mursal, ku xigeenka xeer-ilaaliyaha qaranka, ayaa waqtiga la toogtay waxa uu kasoo rawaxay hoygiisa isaga oo kusii wajahnaa goobtiisa shaqo, sida ay sheegeen xubno kamid ah qoyskiisa

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in kooxihii falka sameeyay oo durba meesha ka cararay ay qaybaha sare ka beegsadeen Mursal, kaasi oo la tilmaamay in uu isla goobta ku dhintay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka mas'uulka.

"Ragga dilka geystay waxay wateen Mooyo Bajaaj, oo ay ku baxsadeen markii ay gaareen dantooda," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo magaciisa uga gaabsaday sababo ku aadan amnigiisa.

Dilkaan ayaa imaanaya iyada oo bilooyinkii lasoo dhaafay amniga caasimada uu umuuqda mid aanan ku jirin gacanta ciidamada, kuwaasi oo ku sugan Isgoys walba oo kamid ah magaala madaxda.

Si lamid ah, waxa uu kusoo aadayaa iyada oo hay’addaha nabad-gelyada ay sare u qaadeen howlgalada ka dhanka ah mootooyinka laba lugood-leyda ah, taasi oo ay sheegeen in fal-dambiyeedyada lagu geystay.

Sugitaanka amniga ayaa kamid ah qodobadii uu ol’olalaha uu ku galay Farmaajo ayna ku timid xukuumada Khayre, balse ay muuqato in aanu wali wax guulo ah oo la taaban karo laga sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM