Ma dhul badan oo dawladda iyo AMISOM ay haysteen ayaa gacanta u galaya Al Shabaab?

Image

Maalmihii la soo dhaafay xoogagga Al-Shabaab ayaa u muuqday iney isku fidinayaan deegaanno hor leh, waxayna iyagoo aan wax dagaal ah galin la wareegeen goobo muhiim ah, ka dib markii ay isaga baxeen ciidamada dowladda.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay guulo ka gaarayay dagaalka ka dhanka ah kooxda al-Shabaab ee ka soo horjeedda, hase ahaatee kooxdaasi ayaa hadda u muuqata iney mar kale soo rogaal celineyso.

Maalintii Sabtida oo ay taariikhdu ku beegneyd 29-ka bisha Siteembar ayay dagaallameyaal ka tirsan kooxda Al shabaab si nabad ah ula wareegeen tuulooyin dhowr ah oo hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Balcad ayaa 30 kiilo mitir dhinaca Waqooyi uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Deegaannadaas oo kala ah Yaaqle, Kooreebe iyo Dhagaxow ayaa Al-Shabaab gacanta u galay ka dib markii ay ka bexeen ciidamo horay ugu sugnaa halkaas oo qaab beeleed u abaabulnaa.

Habeenkii isniinta soo galeysay ayaa lagu soo warramay in xoogag kale oo ka tirsan Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Goofgaduud oo 30 kiilo mitir u jira magaalada Baydhabo.

Ciidamo ka amar qaata maamul goboleedka Koonfur-galbeed ayaa halkaas isaga baxay ka hor inta aysan al-Shabab la wareegin.

Maalintii Isniinta oo ahayd 2-dii bishan Oktoobar ayay xoogagga al-Shabaab u dhaqaaqeen iney isku fidiyaan deegaanno kale oo ka tirsan degmada Aadan Yabaal ee isla gobolka Shabeellaha dhexe.

Maanta oo Talaado ah waxaa lagu soo warramayaa iney aagaas ka jiraan xiisado daba socda dagaalkii Isniinta oo dhaliyay qasaare dhimasho.

Deegaanno kale oo ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya ayay Al-shabaab sidoo kale ka wadday dagaallo ay ku dooneyso dhul ballaarsi.

Maxaa dowladda Soomaaliya ka hor taagan iney awood u hesho dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab?

Shacabka ayaa is weydiinaya sababta ay dowladda Soomaaliya ugu istaagi la'dahay cagaheeda ayna guul kama dambeys ah uga soo hoyn la'dahay howlaha ammaanka.

Maamul goboleedyada miyaa ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee curyaaminaya Dowladda Soomaaliya, kana hor taagan iney xukuumaddu awood u yeelato fulinta adeegyada muhiimka ah, sida amniga?

Janaraal Maxamed Ibraahim Guubir oo horay uga tirsanaa ciidamada Soomaaliya ayaa BBC-da uga warramay arrintaas, wuxuuna saddex qodob ku soo koobay caqabadda haysata xukuumadda.

"Maamul goboleedyada ayaa ka gaabiyay taageeradii looga baahnaa iney dowladda siiyaan, ciidamada AMISOM sidoo kale daacad kama aha iney Dowladda Soomaaliya isku filnaato, Qaramada Midoobayna waxay Dowladda Soomaaliya ka hor taagan tahay iney ka qaaddo xayiraadda hubka si ay awood fiican ugu yeelato dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab" ayuu yiri Janaraal Guubir.

Masuuliyadda ugu weyn ee dhibaatadan ayuu dusha uga tuuray maamul goboleedyada oo uu ku tilmaamay "kuwo mar walba curyaamiya dowladda federaalka".

Sidoo kale waxa uu Janaraal Guubir hoosta ka xarriiqay in caqabad kale oo xoog leh ay dowladda ka haysato dhinaca awoodda hubka.

"labo qolo oo hub isku nooc ah heysata ma kala adkaan karaan, sidaas awgeed waa in dowladda laga qaado xayiraadda dhinaca hubka" ayuu yiri isagoo hadalkiisa sii watay.

Shabaabka isku abaabulay iney la dagaallamaan Al-Shaabab

Deegaanka Xagarey oo hoostaga degmada Aadan Yabaal waxaa shalay ka dhacay dagaal u dhexeeyay shacab is abaabulay iyo xoogagga Al-Shabaab.

Dadka deegaanka oo hubeysan ayaa dagaal kala hortagay kooxdaas, iyagoo sheegay iney ka difaacanayaan dhukooda.

Goor sii horreysay ayuu dagaal noocaas ah oo u dhaxeeyay dad shacab ah iyo dagaallamayaasha al-Shabab ka dhacay deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Shacabka sameystay ciidamo beeleedyada ayaa dowladda Soomaaliya ku dhaliilay ineysan wax gacan ah ku siinin dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Janaraal Guubir oo arrintaan aan wax ka weydiinnay ayaa sheegay in taageeridda shacabka ay ka imaan karaan faa'iido iyo khasaare labadaba.

"Haddii la hubeeyo oo la yiraahdo iska celiya, waxaa laga yaabaa iney hubka qaataan oo ay dhinac kale isku rogaan" ayuu yiri.

Wuxuu khabiirkan dhinaca howlaha ciidamada ah sheegay in tallaabadaas ay u baahantahay daraasad wakhti dheer qaadaneysa.

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM