Mareykanka oo u aarguday askari looga dilay koonfurta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Militeriga Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay inay dileen hogaamiye sare oo kamid ahaa Al-Shabaab kaasoo mas’uul ka ahaa dilka Askari Ameerikaan iyo dhaawaca afar kale.

Afhayeenka howlgallada AFRICOM Col. Chris Karns ayaa shaaciyay in duqeyn ay Soomaaliya ka fuliyeen diyaaradaha Mareykanka ay ku khaarijiyeen labo xubnood oo Al-Shabaab ah, oo uu ku jiro C/llaahi Jebiyow.

Howlgalkaan ayaa la qaaday 19-kii Bishii April ee aynu kasoo gudubnay.

C/llaahi Jbiyow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa qeybta hoobiyeyaasha ayaa isku dabaridaha weerar madaafiic oo lagu qaadey saldhiga ciidamada Marykanka ku leeyihiin Sanguuni, oo 50 KM dhanka waqooyi uga beegan magaaladda Kismaayo 8-dii June, 2018.

Weerarka waxaa ku dhintay Askari katirsanaa ciidamada Mareykanka, kaasoo magaciisa lagu sheegay Alexander Conrad, waxaana ku dhaawacmay hoobiyeyaasha afar Askar oo kale.

Alexander Conrad waxa uu kamid ahaa ciidanka Mareykanka tan iyo 2010, isagoo katirsanaa qeybta sirdoonka militeriga, gaar ahaan howlgalka “Operation Octave Shield” kaasoo lagu beegsado Al-Shabaab iyo Daacish.

Wuxuu noqday Alexander Askarigii labaad oo labo sano gudahooda Mareykanka looga dilay Soomaaliya, iyadoo uu ka horeeyay Askari kale oo lagu dilay degaanka Bariire bishii May ee 2017.

Dowladda Marykanka ayaa ku dhawaad 20 askari uga dhinteen howlgalkii “Black Hawk Down” ee ka dhacay Muqdisho 1993, iyadoo uga dhaawacmeen in ka badan 75 kale.

Mareykanka oo hadda dib ugu soo laabtey howlgalka Soomaaliya mudo dheer kadib ayaa waxaa ka jooga dalka ciidamo boqolaal lagua qiyaaso kuwaasoo fuliyo weeraro gaar ah oo ay ku bartilmaameedsadaan argagixisada.

Waxay ciidamada Mareykanka la howlgalaan kuwa Soomaali ah oo iyagu ay tababarka iyo qalabka siiyeen, sidoo kalena bixiya mushaarkooda, kuwaasoo kala ah Gaashaan iyo Danab.

Ciidamada Mareykanka ayaa fuliyay sanadkaan 33 duqeyn oo cirka ah, kuwaasoo labo kamid ah ka dhacen gobolka Bari ee Puntland, iyadoo midkood lagu dilay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacish bishii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dad rayid ah oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Mas’uuliyiin deegaanka ayaa dadka deegaanka ku booriyay inay ka taxaddaraan safarrada waddooyinka xasaasiga ah.

  • Soomaliya

    04-01-2026

  • 01:08PM

Xasan Sheekh oo sheegay in tallaabo militari ay suurtagal tahay inuu ka qaado Somaliland

Inkastoo uu carrabka ku adkeeyay in wadahadalka iyo xal siyaasadeedku ay yihiin ikhtiyaarka koowaad ee dowladda.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 07:55PM