Madaxweynaha Galmudug oo ka dagay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf" ayaa saaka ka dagay Muqdisho, halkaasi oo ka furmaya shir u dhaaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Faarax Saciid Juxa iyo mas'uuliyiin kale ayaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Madaxweyne Xaaf, oo lagu casuumay kulanka ka furmaya saacadahaha soo socda Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa todobaadkii tagey casuumaad u diray Madaxweyne Xaaf, oo dowladiisa hore u taageertay go'aankii Xildhibaano katirsan maamulka Galmudug ay sheegeen inay xilka uga qaadeen.

Shirka ka furmayo Muqdisho ayaa la filayaa in diirada lagu saaro khilaafka dhawaan soo ifbaxay ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo mamaul goboleedyada, kaasi oo salka ku haya arrimo dastuuri ah iyo xiisadaha khaliijka carabta. Halkan ka akhri.

Waxaa magaalada kusoo qulqulaya Madaxda maamullada, iyadoo horey usoo gaareen Madaxweniyaasha Koonfur galbeed iyo Galmudug, lana sugayo wufuuda HirShabeelle, Jubbaland iyo Puntland oo kusoo wajahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM