Madaxda Soomaaliya oo Muqdisho Ku Kulmaysa, Cabsi Laga Qabo Inuu Fashilmo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan u dhexeeya madaxda maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka ayaa la filayaa in maanta galinka dambe ka furmo magaalada Muqdisho iyadoo la filayo on lagaga hadlo khilaafka siyaasdeed ee dalka ka jira.

Madaxda maamulada Soomaaliya ayaa la filayaa in intooda badan soo gaaraan magaalda Muqdisho maanta galinka hore iyadoo la filayo in Madaxweyne Farmaajo furo kulanka.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa isagu maalintii shaley galinkii hore soo gaarey magaalada Muqdisho isagoo garoonka diyaardaha uu ku soo dhoweeyey wasiirka arimaha gudaha iyo saraakiil kale oo ka tirtsan dowlada.

Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in guddiyo ka tirsan maamulada iyo saraakiil ka socota xafiiska Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha isku afgaran waayeen qodobo ka tirsan ajendaha shirka kuwasoo kamid ahaa kaalinta gobolka Banaadir ku yeelanayo kulanka u dhexeeya madaxda dolwad goboleedyada iyo dolwada Federaalka ah.

Wakiilada maamulada Soomaaliya ayaa kulankas ka sheegey in gobolka Banaadir uusan ka tirsaneyn maamulada Soomaaliya ka jira halka saraakiisha labada xafiis ku adkeysanyeen in gudoomiye Thaabit fariisto wadahadalkaan.

Dhinaca kale waxaa jira warar ka imaanaya dhinaca saraakiil ka tirsan madaxda maamulka Koonfur galbeed ee ku sugan magaalada Muqdisho kuwasoo sheegey in Wasiir ku xigeen ka tirsan dowlada Federaalka oo kasoo jeeda gobolada maamulkaas hoos yimaada magaalada Baydhabo u tagey sidii Madaxweynaha maamulkaas codka kalsoonida ah looga qaadi lahaa.

Saraakiishaan oo diidey magacooda aan sheegno ayaa Garowe Online u sheegtey in ku xigeenka wasiirkaan uu geeyey magaalada Baydhabo lacag lagu bixinayo xil-ka qaadista Shariif Xasan.

 " Dowlada Federalka waxay cayaareysaa siyaasad labo waji ah iyadoo dhinac ka tuseysa beesha caalamka iney la kulmeyso madaxda maamulada halka dhinaca kale ka shaqeyneyso sidii xilka looga qaadi lahaa qaar ka tirsan madaxda maamulada." sidaas waxaa Garowe Online u sheegey sarkaal ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale aqalka sare ee Barlamanka Federaalka ayaa fadhigoodii ugu dambeeyey ku magacaabey guddi qayb ka noqda wada-xaajoodka dhexmaraya labada dhinac iyadoo aysan weli cadeyn doorka ay ku yeelanayaan wadahadalkaan maanta furmaya.

" Aqalkaan waxaa uu ka yimid maamul goboleedyada Soomaaliya waana midka matala, sidaas darteed waxaan fileynaa in wadahadlkaan aan door ku yeelano aan kaga warqabeyno sida ay u dhacyaan". sidaas waxaa GO u sheegey xubin ka tirsan aqalkaas oo diidey in magaciisa aan xusno.

Madaxda maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka ayaa la filayaa iney noqdaan kuwo adag madaama dhinacyada isku hayaan qodobo Dastuuri ah kuwasoo u baahan in xal laga gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM