Farmaajo oo lagu eedeeyay "been-sheegid iyo balan ka bax"

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo waa in uu joojiyo "beenta" uu khudbadihiisa ugu sheegayo shacabka iyo balan-qaayadda uusan fulineyn, sidda uu ugu baaqay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ah.

Cabdiqaadir Cosoble Cali, gudoomiyaha guddiga arrimaha dibadda Golaha Shacabka, ayaa sheegay in madaxweynuhu aysan daacad ka ahayn yaboohiisa in uu ka shaqeyn doono metelaada iyo xuquuqda gobolka Banaadir.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Ileys ayaa kamid ahaa xubnihii u ololeynayey 13-ka kursi ee gobolka Banaadir laga siiyey Aqalka Sare isla markaana go'aanka muranka dhaliyey uu kasoo saarey Aqalka Hoose.

Cosoble ayaa u muuqda mid haatan kusoo baraarugay in ay "olole siyaasadeed" ahaayeen erayada Farmaajo ka sheegay baarlamaanka ee ahaa in mudada hartay uu ka shaqeyn doono maqaamka gobolka Banaadir.

"Sideeda hadii qofka uu hogaamiye yahay waxaa la yiraahdaa dadka been uma sheego, ninka Muslimka dadka been uma sheego; waxyaabaha ugu waaweyn ee kabaa'iirta ah ayay kamid tahay, nin Imaam ah oo hadana dad hogaaminaya in uu been u sheego [waa qalad]," ayuu ku yiri muuqaal uu soo duubay.

Siyaasiga wuxuu intaas raaciyey hadalkiisa: "Waxaa muuqata in wixii aad maalintaas noo sheegeysay oo gobolka Banaadir aan xuquuqdiisa wax ka raadinaa aad lahayd, waxaa muuqata madaxweynow in aysan dhab kaa ahayn ama aysan daacad kaa ahayn; maxaa yeelay waxaan qabaa hadii ay dhab kaa ahayd ama ay daacad kaa ahayd shirka Dhuusamareeb 3 oo adiga aad diyaarsatay, war-murtiyeedkiisa adiga aad diyaarsatay saaxiibadaada ay kuu saxiixeen waxaad ku dari ahayd metelaada iyo xuquuqda gobolka Banaadir; hase yeeshee ma dhicin, waxaan rabaa in aan mar kale ku xusuusiyo kuuna nas-teexeeyo".

"Maalin walba marka aad la hadleysid dadka Soomaaliyeed [madaxweyne] waa in aad ogaato in hadalkaaga miisaan yeelanayo, dadkana berri ayay miisaan-saarayaan, wixii aad ka hor-tiri baarlamaanka Soomaaliya labadiisa gole waxaad moodaa in aysan dhab kaa ahayn, daacad kaa ahayn ama aysan run kaa ahayn," ayuu ku daray, isagoo dadka ku booriyey in ay xaqooda raadsadaan.

Bishii June ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii Golaha Shacabka uu metelaadan kasoo saarey go'aan la isku khilaafay, arrintaas oo dhalisay xiisad siyaasadeed maadaama ay kasoo horjeedo dastuurka ku meelgaarka.

Villa Soomaaliya oo gedaal ka riixeysay mashruucaas ayaa uga dan-lahayd in ay isku ekeysiiso mid raadineysa metelaada gobolka Banaadir ayna dabin siyaasadeed oo dastuur jebin ah ugu dhigto siyaasiyiinta dhaliilsan.

Dastuurka ku meelgaarka ah wuxuu xeerinayaa in metelaada gobolka Banaadir ay qaraar kasoo wada saari doonan labada gole ee baarlamaanka federaalka. Sidoo kale, wuxuu dhigayaa in Senate-ka uu metelo maamulada.

Tani ayaa la macno ah in ay muhiim tahay in la helo maqaamka Muqdisho ku yeelaneyso nidaamka federaalka kahor inta aan laga doodin metelaada gobolka Banaadir. Dastuurka wuxuu u aqoonan yahay magaala madaxda waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM