​Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ku hor dhaartay [Daawo]

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka qayb galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdishu oo qaaraan loogu aruurinayay ciidamada qalabka sida ee dalka.

Xafladdan oo sidoo kale joogay Ra'isal Wasaare Xasan Cali Khayre, Mas'uuliyiin katirsan golayaasha dowladda, culimaa'udiinka iyo xubno kasocday bulshada Rayidka ah ayaa looga hadlay qaabka loo taageeri karo ciidanka difaaca dalka oo hadda ku shaqeeya marxalad adag.

Munaasabadaas ayaa lagu magacaabay Guddi ay hormuud ka yihiin Gen. Jaamac Maxamed Qaalib iyo Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, kuwaasoo loo igmaday inay ka shaqeeyaan dhaqaalo aruurin loo sameeyo ciidamada dalka.

General Qaalib ayaa loo magacaabay Guddoomiye, halka Baaruud laga dhigay ku-xigeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hay'ad uga dhigay labadaas xubnood Kitaabka Qur'aanka Kariimka, wuxuuna ugu baaqay inay xilkaas u gutaan si daacad ah oo alle hortiis ay ajar uga helayaan.

Farmaajo ayaa ka codsaday shacabka inay taageeraan ciidamada islamarkaana la isku tashado si loo dhiso ciidan xoog leh oo hanta amniga, Cirka, Dhulka iyo Badda.

Madaxweynaha Somalia, ayaa sidoo kale xusay inay ka dhabayn doonaan ballanqaadkii doorashada iyo hadafka xukuumaddiisa, wuxuuna soo jeediyay in la taageero oo lagu gacan siiyo dadaalada ay wadaan isaga iyo Khayre.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale madashaas kaga dhaartay inay si cadaalad ah lacagaha loo soo diro ciidamada u gaarsiin doonaan.

Xasan Cali Khayre, ayaa isna taageeray shaqada dowladda, wuxuuna bulshada ku booriyay inay ka fogaadaan shakiga islamarkaana wixii su'aal ah oo ay is-weydiinayeen jawaabtooda ka helayaan xafladdaas iyo khudbadihii laga jeediyay.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli la hadal hayay dib u habayn lagu samaynayo ciidanka dowladda Somalia taasoo looga golleeyahay in la helo ciidan qaran taasoo qayb ka ahayd Ajandayaashii lala tagay shirkii ka dhacay London ee dhacay horaantii bishii May, 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM