Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Uganda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa goordhaw u ambabaxay magaalada Kampala, ee caasimadda dalka Uganda.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyeen xubno katitsan labada gole ee dowladda, ayaa lagu wadaa in uu kulan kula qaato Kampala dhigiisa dalkaasi Yoweri Kaguta Museveni, isagoo waydiisan doonoo taageero military si dowladdiisa uga adkaato Al shabaab.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku tagi doonoo dalka kale oo ku yaalla gobolka Geeska Africa, oo ay kamid yihiin Jabuuti iyo Ethiopia.

Dalalka uu booqanayo Madaxweynaha ayaa dhamanatooda Ciidamo ka jooga Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, kaasi oo mudo 10 sano ah ka howlgalaya Koonfur iyoo bartamaha dalka.

Safarka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya, xilli laguu wado inuu dhawaan ku dhawaaqo Xaalad dagaalka, oo la gelinayo dalka, kadib qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 358 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM