Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Uganda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa goordhaw u ambabaxay magaalada Kampala, ee caasimadda dalka Uganda.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyeen xubno katitsan labada gole ee dowladda, ayaa lagu wadaa in uu kulan kula qaato Kampala dhigiisa dalkaasi Yoweri Kaguta Museveni, isagoo waydiisan doonoo taageero military si dowladdiisa uga adkaato Al shabaab.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku tagi doonoo dalka kale oo ku yaalla gobolka Geeska Africa, oo ay kamid yihiin Jabuuti iyo Ethiopia.

Dalalka uu booqanayo Madaxweynaha ayaa dhamanatooda Ciidamo ka jooga Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, kaasi oo mudo 10 sano ah ka howlgalaya Koonfur iyoo bartamaha dalka.

Safarka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya, xilli laguu wado inuu dhawaan ku dhawaaqo Xaalad dagaalka, oo la gelinayo dalka, kadib qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 358 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM