​Madaxweyne Xaaf oo Wasiirada cusub horgeynaya Barlamanka

Image

CADAADO, Somalia - Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ayaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa inuu Gollahiisa Wasiiradda Cusub, uu horgeeyo Barlamanka Galmudug, si loo siiyo Codka Kalsnoonida.

Gollaha Wasiiradda oo ka kooban 22 Wasiir, 22 ku xigeen iyo 8 Wasiiru dowle ayaa u badan Wasiiro kasooo mid noqday Xukuumaddii Cabdikariim Xuseen Guuleed, taasi oo waxqabad la'aan lagu eedeeyay.

Madaxweyne Xaaf ayaa magacaabay Wasiiradda cusub, 21-ka bishan August, iyadoo ay Xildhibaanada uga digayeen inuu soo celiyo Wasiiradii hore, iyagoo ku guudiyay inaysan Codka Kalsoonida siin doonin.

Xaaf ayaa u jeedin doono Barlamanka Galmudug Khudbad uu uga codsan doono Xildhibaanada inay ansixiyaan Xukuumaddiisa, waxaana uu sidoo kale ka hadli doonaan qaabka uu kusoo xushay Wasiirada.

Galmudug ayaa wajahaysay tan iyo markii la aas-aasey 2014 caqabado, ay ugu horeyso arinta Ahlu Sunna, oo haysata magaalooyin badan, oo kamid ah Dhuusamareeb, oo ah Caasumada maamulkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM