"Markii ay dileen Aabahey iyo Seygayga ayaan dhiigooda baneystay"

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Markii ay dagaalameyaasha AlShabaab "si silac ah" u dileen labadeedii garab – Aabaheed iyo Seygeeda – waxay qaadatay go’aan weyn oo wax badan ka bedelay nolosheeda.

Wiilo Cabdi Cali Faarax, hooyadda caruur, kana tirsan Ciidamadda Soomaaliya, gaar ahaan ururka Danab, riyaheedu marnaba ma aysan ahayn in ay askariyad noqoto, balse daruuf ayaa ku jiiday.

Xili ay dhalaan ahayd, 12-sano kahor, Aabaheed Cabdi, waxaa gowracday kooxda gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ka gedaal markii uu ku gacan-sayray bixinta lacago baad ah oo lagu soo rogay.

"Aabahey wuxuu u dhintay si silac ah isaga oo beer leh oo beertiisa ay ku taalo Guul-weyn. AlShabaab ayaa bireeyay markii uu diiday canshuur," ayay tiri iyadoo kasoo muuqatay Telefishinka Qaranka.

Ninkeed, abaalduulihii Ururka 4aad ciidamadda xooga, ayaa isana ku naf-waayey weerar gaadmo ah oo ay Al-Shabaab la beegsatay kolanyo uu la socday, isaga oo kamid noqday tobanaan dhintay.

"Ilmaheyga haatan agoon waaye, aabahood iyagaa [AlShabaab] dilay, wuxuu ka tirsanaa ururka 4aad ee Danab oo uu ahaa abaan-duulahood," ayay raacisay hadalkeeda, iyadda oo qiireysan.

Inta ay ka tirsan tahay Xoogaga Difaaca Qaranka waxaa hal-jeer loogu qaadey Uganda tababar. Wixii ka dambeeyay gudaha waddanka ayey ku sug-neyd, una hurtay dhigeeda difaaca wadanka.

"[Kadib dilka aabaheed iyo seygeeda] Aniga markaasi ayaan baneystay dhiigooda, awalba aniga keyga way baneysteenee," ayay raacisay, iyadda oo wacad ku martay in ay wadeyso gulufka.

Askariyadan ayaa haatan ku sugan jiida hore gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay kaga qeyb-qaadaneyso howlgalladda socda ee lagu xoreeyay degaano ay kamid tahay tuuladda Awdheegle.

Sanadihii u dambeeyay gabdhaha iyo hooyooyinka kusoo biiraya ciidamadda Soomaaliya ayaa isa soo taraya, waliba kuwa qeybta ka kuwa qaada dagaalka dhulka ee fool ka foolka ah.

Maryan Siid Cali Shariif, oo hablahaasi kamid ah, iyadda oo bogaadineysa nah-hurnimadda hooyooyinka sida Wiilo, ayaa waxay hoosta ka xariiqday in difaaca dalka ay cid kasta mas'uuliyad ka saaran tahay.

"AlShabaab waa dad gaboolka uu sii dhacayo. Aniga haatan waxaan ahay hooyo Soomaaliyeed oo u soo istaagtay difaaca dalkeeda, diinteeda iyo dadkeeda, waxay mas’uuliyad ka saaran tahay cid kasta," ayay xustay.

Sanadkii 2013-kii, gaar ahaan bishii Janaayo ayey Maryan ku biirtay ciidamadda Soomaaliya, waxayna tan iyo xiligaasi qayb ka ahayd iska hor-imaad iyo qabshada degaano badan oo Al-Shabaab laga saarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM