Mas'uul ka hadlay Xildhibaano lagu dilay duleedka Muqdisho [Dhageyso]

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle, Cusmaan Barre Maxamed ayaa ka hadlay dilka Labo Xilldhibaan oo lagu khaarijiyay weerar jidgal ah oo ay ku beegsadeen Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Cusmaan ayaa wuxuu ka dalbaday laamaha amaanka ee halkaas ku sugan inay ka daba-tagaan dableydii ka dambeysay, falkaan ayna hor-keenan cadaaladda, si loo mariyo ciqaabta ay muteysteen.

Weerarka oo ku bilowday qoryaha Garbaha laga ganno, ayna xigtay dagaal fool ka fool ah ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka Muqdisho, gaara ahaan wada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Al-Shabaab oo sheegtay mas'uuliyadda waxay ka dhawaajiyeen in howlgal ay ka fuliyeen inta udhaxeysa magaalooyinka Qalimow iyo Balcada, gaara ahaan Aaga Ceelka Gellow ay ku dileen Labo Mudane.

Mudanayaasha oo lagu kala magacaabo Aadan Mukhtar Cabdulle iyo Ismaaciil Muumin Hillowlle ayaa waxaa lala dilay askar iyo saraakiil ciidan, sida Garowe Online u xaqiijiyeen mas'uuliyiin.

Labada Xildhibaan ayaa meydadkooda saaka lagu aasay magaalada Jowhar, waxaana aaskooda ka qeybgalay Madax katirsan maamulka HirShabeelle.

Geesta kale, Golaha Amniga Qaranka oo war-saxaafadeed kasoo saarey shirkii ay kusoo gaba gabeeyeen Baydhabo habeenimadii Talaada ahayd ayaa waxay ka tac-siyeeyeen Geerida labada Xildhibaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM