Saddex arrin oo ku xeeran qodobka 13aad ee sharciga doorashooyinka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa su'aal ka keenay qodobka 13aad ee sharciga doorashooyinka Soomaaliya ee horyaala Golaha Shacabka.

Qodobka ayaa xeerinaya in madaxweynaha uu kasoo dhex-xulaanayo ra'iisul wasaaraha xisbiga ku guuleysta Aqlabiyadda ugu badan kadib marka ay dhacaan doorashooyinka guud ee waddanka.

Inkasta oo sharcigan uusan wali helin kalsoonida baarlamaanka federaalka, Mr Guuleed ayaa aaminsan in qodobkan uu "ka hor-imaanayo qodobka 90aad ee Dastuurka oo xusaya awooda madaxweynaha".

Hoos ka akhriso qoraalka Cabdikariin Xuseen Guuleed

ARIMO KU GADAAMAN QOD.13aad EE SHARCIGA DOORASHOOYINKA.

Anigoo u mahad celinaya gudiga sharciga doorashooyinka ee Baarlamaanka, haddana waxaan lagama maarmaan ah in la ifiyo arimo ku gadaaman qodob cusub ee ay gudigu ku soo dareen sharciga oo ah qodka 13aad gaar ahaan faqradiisa 6aad ee sharciga doorashooyinka ee sheegaya ama tibaaxaya in madaxweynahu uu ka soo dhex qabanayo wasiirka koowaad xisbiga ku guuleeysta aqlabiyadda Barlamaanka.

Haddaba waxaan isleeyahay qodobkaasi cusub ee aan horay baarlamaanku oga doodin ogana baaraan dagin waxuu u baahan yahay is dul istaag iyo ka doodis badan, marka laga eego arimaha soo socda:

1. Qodobka oo aad moodo inuu ka hor imaanayo qodka 90aad ee dastuurka ee qeexaya awoodaha madaxweynaha, asagoo gacmo xiraya madaxweynaha.

2. Qodobka oo wax ka badal weyn ku sameynaya nidaamkii xukun ee dalka ee ku dhisnaa kuna saleysnaa awoodo dheeli tiran oo u dhaxeeya madaxweynaha iyo wasiirka koowaad, lakiinse haddii qodabkaan 13aad la qaato waxaa dhaci doonta in awoodda wasiirka koowaad ay aad xoogeysato uuna noqonayo asagu madaxa dowladda (Head of State) sida curfi ahaan lagu yaqaano wasiirada koowaad ee ku yimaado habka aqlabiyadda Baarlamaanka.

Haddii ay sidaas dhaceysana oo nidaamkaas xukun ee cusub aan u guureynana waxay u baahan tahay in si weyn looga hadlo loogana baaraan dago oo uusan si sibiq ah nagu galin laguna qaadan.

3. Qodobka oo laga yaabo inuu qalqal iyo qulub ku keeno nidaamkii awood qeybsi ee dalka ka jiray, waayo hadduu madaxweynuhu wasiirka koowaad ka soo magacaabayo xisbiga hela aqlabiyadda Baarlamaanka waxaa imaan karta in haddii madaxweynaha la doortay uu noqdo beel (A) qofka hogaamiya xisbiga hela aqlabiyadda baalamaankuna noqdo isla beel (A) uu madaxweynuhu ku qasbanaado inuu qofkaas magacaabo maadaama uu asagu yahay hogaamiyaha xisbiga ee xaqa u leh xubintaas ama xilkaas, taas oo dhaawac ku ah dhowrista nidaamkii awood qeybsi ee jiray.

Dhanka kale hadduu madaxweynuhu asagoo dhowraya awood qeybsiga qofkaas qof aan aheyn oo beel (B) ah uu xisbigaas ka dhex qabsadana, waxaa imaan karta inuusan qofkii hogaamiyaha xisbiga ahaa uu ku qanci waayo oo halkaas khilaaf iyo burbur xisbigaas ku yimaado ay dhacdo.

Haddaba waxaan xildhibaanada sharafta leh u soo jeedin lahaa in qodobkaas ay sii gaar ah diiradda u saaraan loogana doodo.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyay raashiinka uu siin jiray ciidamada Danab

Go'aankan ayaa waxa uu ka dhashay markii madax sarre ay leexsadeen garaamkii loogu talagalay kumaandooska.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:26AM

Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 08:15AM