Mas'uuliyiin Jubbaland ah oo "lagu cunsuriyadeeyay" garoonka Muqdisho

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Shaqaale rayid ah iyo mas'uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay "lagu cunsuriyadeeyay" madaarka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, sida uu shaaciyey maamulkaas.

"...Shacabka reer Jubbaland-na waxay ciqaab wadareed kala kulmeen cunaqabateynta ay dowladda federaalka kusoo rogtay duulimaadyada degaanada [dowlad goboleedka]," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, dhinacyadda ayaa sidoo kale "lagula kacay falal guracan sida hanjabaadyo...taasoo baalmarsan shuruucda iyo dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya".

Dhinaca kale, warka qoraalka ah ayaa waxaa lagu cambaareeyay is-hortaagii ay dowladda federaalka ku sameysay diyaaradii Sheekh Shariif Axmed u qaadi lahayd magaaladda Kismaayo, xarunta Jubadda Hoose.

Madaxweynihii 7aad ee dalka ahna hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa kamid ah martida lagu casuumay ka qeybgalka xaflada caleema saarka Axmed Madoobe oo 26-ka bishan September loo balansan yahay.

"Xanibaada iyo is-hortaaga madaxweynihii hore ee dalka waxay kasoo horjeedaa shuruucda iyo dastuurka dalka u yaala, kaasi oo muwaadinka siinaya xorriyad uu meesha uu doonayo ugu safri karo," ayaa lagu yiri.

Xukuumadda Federaalka ayaa waxa aysan wali ka jawaabin dalabyo dhowr ah oo ku saabsan in ay sharaxaad ka bixiso sababta ay Shariif ugu diiday in uu u socdaalo magaaladda Kismaayo.

Xukuumadda Federaalka ayaa waxa aysan wali ka jawaabin dalabyo dhowr ah oo ku saabsan in ay sharaxaad ka bixiso sababta ay Shariif ugu diiday in uu u socdaalo magaaladda Kismaayo.

"Madaxda DFS ee xiligan waxay tagfri fal awoodeed u isticmaalayaan shacabka iyo siyaasiyiinta, iyaga oo maamulka hawada u adeegsanaya dano gaar ah oo siyaasadeed," ayuu xusay bayaanka.

Isaga oo difaacaya go'aanka dowladda, wasiirka Duulista federaalka ayaa joojinta duulimaadyadda tooska ah ee Kismaayo ku sababeeyay "hubinta diyaaradaha tegaya iyo in uusan Kismaayo maamul la aqoonsan yahay".

"Madaxda DFS waxaan uga digeynaa ku tumashada xuquuqda muwaadiniinta iyo dastuurka...taasoo dhaawaceysa midnimada iyo wadjirka dibna u celineysa geedi u socodka dowladnimadda Soomaaliya," ayaa lagu soo xiray.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM