Mas'uuliyiin lagu dilay qarax lagu xiray askar ay khaarijisay Al-Shabaab

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar is-miidaamin iyo mid toos ah oo Al-Shabaab ay Isniinta maanta ah ku ekeysay saldhig dhaca duleedka caasimadda Koonfur Galbeed.

Illo wareedyo amni ayaa u xaqiijiyey GO in weerarka uu ku bilowday qarax gaari oo uu waday naftii halige, ayna xigeen dabley gudaha ugu daatay xerada Goof-gaduud Buurey oo 30 KM u jirta Baydhabo.

Qaraxa kadib, waxaa uu iska hor-imaad culus dhexmaray ciidanka iyo dagaalameyaasha. Tobanaan askar ah ayaa la wariyey in ay halkaas ku geeriyoodeen, balse illaa haatan lama xaqiijin karo tiradda saxda.

Ciidankii saldhiga joogay ayaa gurmad la helay cutubyo kale, waxaana ay arrintaas sahashay in ay ku guuleystaan dib u qabsashada saldhiga weyn.

Xogta uu Garowe Online helayo ayaa tilmaameysa in geerida halkaas ka dhalatay ay kamid yihiin mas'uuliyiin, taliye iyo saraakiil ciidamo kale.

Xasan Isaaq Xasan, taliyaha saldhiga degaanka iyo Isaaq Cali, gudoomiyaha isla tuuladaas, ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen dhacdadaas.

Warbixinada dhanka ammaanka ayaa tilmaamaya in labadan marxuum ay ku dhinteen qarax labaad oo saldhiga ka dhacay isla markaana dagaalameyaasha Al-Shabaab ku xireen qaar kamid ah askartii ay dileen.

Fahfaahinta laga helayo saraakiisha ayaa intaas ku dareysa in marxuumiinta ay tageen saldhiga markii ciidamadda ay dib ula wareegeen saldhiga.

Tani ayaa muujineysa xeelad kale oo argagixisada soo kordhisay isla markaana ay ugu talogashay in ay khaarijn ku sameyso kadib howlgaladeeda.

Milatariga Soomaaliya oo guulo ka sheegtay weerarka ayaa xusay in ay dileen dagaalameyaal tirro badan oo ka tirsan maleeyshiyaadka gacansaarka la leh shabakada argagixisadda Al-Qaacida. Masoo bandhigin caddeyn.

Horaantii bishaan ayay ahayd markii Al-Shabaab ay weerartay saldhiga ciidamadda Soomaaliya ee degaanka Daynuunay oo dhaca isla duleedka Baydhabo, waxaana falalkan imaanayaan xili dalku ku jiro jahwareer siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis kalluumeysi

Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in hawlaha kalluumeysiga ee Soomaaliya lagu fuliyo nidaam dhexe, waara oo si buuxda loo diiwaangeliyay.

  • Soomaliya

    17-12-2025

  • 01:55PM

Soomaaliya: Muxuu Farmaajo uga qeybgali waayay shirka Kismaayo?

Farmaajo waa la soo dhaweynayaa inuu ka soo qayb galo, laakiin ma aha qayb ka mid ah madasha qabanqaabisa shirka.

  • Soomaliya

    17-12-2025

  • 09:43AM