Maxay ahayd fariinta uu Qoorqoor la wadaagay Midowga Murashaxiinta?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor], ayaa xalay si gaar ah ula shiray Midowga Murashaxiinta isaga oo wakiil ka ah madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidda uu fahansan yahay Garowe Online.

Sidda illo loo qaateen ah u sheegeen GO, Qoor-qoor ayaa u sheegay murashaxiinta in hadalkii kasoo yeeray duqa Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish uusan la qabin Farmaajo oo uu damac uga jiro in uu difaacdo kursiga uu haatan ku fadhiyo.

Isaga oo ka hadlayey shir ay Villa Soomaaliya ku amartey in uu agaasimo, Cumar Filish oo si dadban murashaxiinta ugu qeexay "munaafaqiin" soona daliishay Aayad Qur'aan ayaa tibaaxay in la dili doono "hadii ay isku dayaan in ay xasilooni darro ka abuuraan" magaala madaxda.

Qoorqoor ayaa sidoo kale wuxuu murashaxiinta u soo jeediyey in uu dhexdhexaadiyo labada dhinac - Farmaajo iyo Midowga Murashaxiinta - si xal looga gaaro is-mari-waaga ka taagan guddiyadda doorashooyinka lagu muransan-yahay.

Warsidaha Garowe Online ayaan wali xaqiijin hadii murashaxiinta ay si rasmi ah u aqbaleen dalabka Qoor-qoor.

Kahor shirka murashaxiinta, Qoor-qoor ayaa habeenimadii Sabtida wuxuu Villa Soomaaliya kaga qeybgalay wadahadalo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Rooble, iyo taliyaha NISA, Fahad Yaasiin Daahir.

Fadhigaas, sidda ay xoguhu tibaaxayaan, waxaa lagu lafaguray bayaankii shirka murashaxiinta, carada ka dhalatay hadalkii Cumar Filish iyo dib-u-qaabeynta guddiyadda lagu muransanyahay.

Beesha Caalamka oo bilowday dedaalo lagu xalinayo muranka ka taagan guddiyadda doorashooyinka soo aadan ayaa adkeeyay in ay ku yimaadaan hanaan wada ogol kuna qanacsan yihiin saamileyda iyo daneeneyaasha "si ay sharciyad u hesho dowladda imaan doonta".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM