Midowga Afrika oo ciidamada kala baxaya dalka Somaliya

Image

ADDIS ABABA- Ururka Midowga Afrika ayaa sheegey inuu qorsheynayo in ciidamadiisa kala baxo dalka Somaliya sanadka 2020 kadib markii sanado badan isku dayey inuu xasilayo wadankaan ku yaala geeska Afrika.

Midowga Afrika xafiiska amniga ayaa soo saarey asbuucaan qoraal uu kaga hadlayo kadib markii caqabado badan oo is-dabayaala oo lasoo gudboonaadeen 22000 ciidamada ah kuwasoo kamid yihiin mushahar la'aan haysata xoogaga AMISOM. 

Qoraalkaan ayaa sheegey in qorshaha ka bixista uu yahay in mas'uuliyada amniga si taxadar leh ugu wareejin doonaan ciidamada Somaliya laga soo bilaabo sanadka 2018-2010.

Go'aankaan ayaa soo baxay kulan June29,2016 dhexmarey wadamada ciidamadooda ka joogaan Somaliya kuwasoo la yoraahdo AMISOM.

Midowga Yurub oo ah maalgaliyaha ugu weyn ee ciidamadaan ayaa sheegey iney go'aansadeen in da-dajiyaan bixinta mushaharka dib u dhacey ee ciidamada AMOSOM.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM