Midowga Yurub oo €100 million ugu deeqay dowladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Yurub, ayaa ku dhawaaqay taageeradii ugu horeysay oo maaliyadeed, taasi oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli madax sare loo xiray dhawaan musuq-maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Muqdisho, oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Warsidaha Garowe Online ayaa laguu shaaciyay in €100-million oo Yuuro, oo u dhiganta 117 Milyan oo dollar siinayaan dowladda Soomaaliya.

Lacagtan oo ah yaboohii dhaqaale ee ugu badnaa, oo Midowga Yurub ku kabayo miisaaniyadda dowladda, ayaa la billaabayaa bishi October ee sannadka 2018, waxayna soconaysaa illaa 2021, sida Midowga Yurub uu sheegaya.

Lacagta ayaa loo marsiinayaa dowladda hay'adaheeda maaliyadeed, sida Bangiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo laga doonayo Villa Somalia xisaab-celin iyo inay si daah-furnaan ku jirto u maamusho lacagtan, lagu kordhinayo miisaanidda dalka.

Bangiga Adduunka [World Bank], ayaa shalay isna sheegay inuu dowladda Federaalka siinayo $60 million, oo deeq dhaqaale ah, taasoo noqonaysa midii ugu horeysay mudo 30 sano ah oo la siiyo Soomaalia.

Soomaaliya ayaa safka hore uga jirta dalalka ugu musuq-maasuqa badan dunia, sababo la xiriira isla-xisaabtan la'aanta iyo inaysan jirin hay'addo dowli ah, oo awood u leh inay musuqa la dagaalamaan, iyadoo dalka lagu leeyahay balaayiin doollar oo deyn ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo ku Baaqay Midnimo Iyo Isbedel Xilli Mudo-xileedkiisa uga haray 6 bilood

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dhismaha dowladnimada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

  • Soomaliya

    16-10-2025

  • 11:05AM

Beledweyne: Qarax xooggan oo ka dhacay maqaaxi, iyadoo ay ku dhinteen saddex qof

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka magaalada Beledweyne ama hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-10-2025

  • 07:38AM